Waxaa hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunga deegaanka lagu soo gabagabeeyay shir lagaga hadlayay qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaah GTP2 qaybtiisa dhinaca horumarinta xoolaha oo mudo 3maalmood ah socday.
shirkaa oo loo hayay hogaaminta heerar keeda kala duwan ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed faarax, wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga mudane Cabdinuur Colow iyo masuuliyiin heer faderaal ah oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka JDFI mudane Selashe Getaye,
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo xidhitaankii shirkaa ka soo jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee ay soo mareen xoolaha deegaanka iyo bulshada xoolo dhaqatada ah gaar ahaan dhibaatooyinkii ku xeernaan jiray bulshada xoolo dhaqatada deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in dadaal dheer oo loogalay sanadihii ugu danbeeyay lagu guulaystay in kor looqaato tayada xoolaha deegaanka islamarkaana la hirgaliyay suuqgaynta xoolaha deegaanka, madaxwaynaha ayaa sheegay in qorshahan isbadalka koboca dhaqaalaha qayntiisa 2aad ee dhinaca xoola xooga la saarayo sidii loo sii awood siinlahaa tayada xoolaha deegaanka iyo suuqgayntooda gaar ahaan wax soo saarka xoolaha sida hilibka, caanaha iyo subaga taasi oo lagaga faa’iidaysandoona dhinaca warshadaha maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay xoolo dhaqato.
wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka JDFI mudane Selashe Getaye oo ka hadlay gabagabadii kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya hodan ku yahay xoolaha nool iyo dhul ku haboon saaqsinta xoolaha wuxuuna sheegay wasiirku in hadda loo furay albaabadii suuqgaynta xoolaha deegaanka. Waxa kale oo uu tilmaamay wasiirku in kulankan mudadii uu socday lagaga wada hadlayay hirgalinta qorshaha GTP2ga ee dhinaca horumarinta xoolaha iyo ka faa’iidaysiga xoolaha. Wuxuuna sheegay in kulanka noocan oo kale ah laga hirgalinayo dhamaanba deegaanada dalka wasiirka ayaa kula dar-daarmay hogaaminta heerarkeeda kala duwan in ay sii wadaan dadaalka ay ku horumariyeen xoolaha deegaanka.
Comments are closed