Soomaali Khasaare Kasoo Gaaray Dab Ka Kacay Canada

canadaCanada (NN) 06/05/2016

Dab ka kacay Canada gaar ahaan gobolka Alberta ayaa waxaa ku burburtay hanti aan ilaa iyo hada inta ay ku kaceyso la ogeyn.

Dabkaas ayaa waxaa uu ka kacay Alberta wuxuuna ku faafay ilaa 850 km oo iskuwareeg ah. Soomaali badan ayaan hanti uga khasaartay halkaa gaar ahaan dukaamo ayadoo shaqaalaha gurmadku ay bilaabeen in ay gobolkaa wixii dabka u dhow oo dad ah ay daad gureeyaan.

Muddo dhowr maalmood ah ayuu dabkaasi holcayaa ayadoo ololku shan  jibbaar uu kordhay taasoo keentay in dad gaaraya 88, 000 oo qof guryahoodii laga daad gureeyo oo ay haatan barakacsan yihiin.

Dabka ayaa sii ololaya maadaama ay dhacayaan dabeylo xooggan. Dabkaan ayaa bilowday Axadii lasoo dhaafay ilaa iyo hadana waxaa dadka dababka damiya ay isku dayayaan inay baqtiiyaan.

 

Comments are closed