Hayada Amnesty International oo Cambaareysay Go’aanka Dawlada Kenya ee ah in La Xiro Xeryaha Dhadhaab

kenya1Kenya (NN) 07/05/2016

Hayadaha udooda xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ee Amnesty international iyo Human Rights Watch ayaa cambaareeyay kana soo horjeestay go’aanka dawlada Kenya ay dhawaan ka dhawaajisay ee ah in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Kenya ayaa sheegtay qaxootigaa inay halkaa sii dagganaadaan in xasiloonida iyo ammaanka Kenya ay khatar ku tahay.

Shalay ayaa wasaarada arimaha gudaha ee Kenya ay sheegtay in Kenya wax qaxooti ah aysan marti galin doonin hada wixii laga bilaabo ayna dawlada Kenya xiri doonto Waaxda Amuuraha Qaxootiga ee Kenya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano DRA taasoo diiwaan galisa qaxootiga.

Kenya ayaa waxaa kunool in ka badan 463.00   oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo kasoo cararay colaada iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Inkastoo in badan ay dawlada Kenya ku celcelisay in qaxootiga Soomaalida ahi keenaan ammaan darro gudaha Kenya, hadana ma jirto hal qof oo qaxootigaa ka mid ah oo si toos ah loola xiriirshay ammaan darro.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan waxaa iskood Soomaaliya ugu laabtay qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafay toban kun sida laga soo xigtay hayada QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. Weli waxaa socota isdiiwaan galinta in badan oo kale oo qaxootigaa ah ay isu diiwaan galinayaan in ay iskood dalkoodii hooyo ugu laabtaan ayagoon cidina qasbin!

Arintaan ayaa ka dambeysay heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen UNHCR iyo dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dhigaya in qaxootigaa aan la qasbin balse hadii ay doonayaan ay iskood Soomaaliya ugu laabtaan.

 

Comments are closed