Qarax Dhawr Qof ay ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

bakaarahaMuqdisho (NN) 07/05/2016

Ugu yaraan saddex ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku dhaawacmay qarax bambo oo lagula eegtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Askarta labada ah ee dhaawacmay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka hawl-gala suuqa Bakaaraha, waxaana qof kale ee shacabka ah la sheegay inuu goobta marayay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay inay weerarka geysteen dhallinyaro aan la garan oo markiiba goobta ka baxsaday mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka, laakiinse inta badan weerarrada noocan oo kale ah, ayaa waxaa sheegata Al-shabaab.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin Qaraxan iyo khasaaraha askarta iyo qofka rayidka ah kasoo gaaray, Waxaana weerarkan uu Qayb ka noqonayaa weerarrada inta badan ka dhaca Muqdisho.

 

Comments are closed