Sadiq Khan ayaa ku horreeya cod bixinta duqa London

13199556_1747145258896517_1060750058_o

London (NN) 07/05/2016

Sadiq Khan wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee qabta xilkan duqa maggalada  london

Natiijooyinka hor u dhaca ee codadka la tiriyay ee doorashada duqa magaalada London waxay muujinayaan inuu ku guuleysan doono musharraxa xisbiga Shaqaalaha, Sadiq Khan, oo uu kaga adkaan doono ninka ay is hayaan ee xisbiga Muxaafidka Zac Goldsmith.

Haddii la xaqiijiyo saacadaha soo socda inuu guuleystay Mr Khan wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee qabta xilkaasi.

Waxaa halkaasi ku soo gabagabooyaya siddeed sano oo xilka duqa London ay hayeen xisbiga Muxaafidka.

Codadka uu helo duqa magaalada London waa kuwa ugu badan ee hal qof uu helo dhammaan dadka ku jira siyaasadda Britain; doorashada Raiisul Wasaaraha waxay ku xiran tahay xisbiga ugu kuraasta badan baarlamaanka.

Comments are closed