Siilaanyo oo Maanta u Dhoofay Jabuuti si uu uga Qayb-galo Caleemmo-saarka Geelle

siilaanyoJabuuti (NN) 07/05/2016

Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti oo la sheegay in uu ka qaybgalayo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta Barri ka qabsoomi doonta dalkaasi.

Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Cabdiraxman Sheekh Cilmi Fahiye (Shamax), ayaa u sheegay saxaafada in wafdiga madaxweynuhu hogaaminayo casuumad rasmi ah ka heleen Xukuumadda Jabuuti si ay uga qaybgallaan Caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii afraad loo doortay madaxweynenimadda dalkaasi.

C/raxmaan Shamax oo saxaafadda u sharaxay ujeedada weftiga madaxweynaha ee Jabuuti ayaa yidhi “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, waxa uu maanta u baqoolayaa labadda wadan ee kala ah Jabuuti iyo Waddanka Imaaraadka Carabta, Madaxweynaha iyo Weftiga uu Hoggaaminayo, waxay kaga qayb-galayaan caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad dib loogu Doortay Xilkaasi madaxweyne ee Dalkiisa, ka qayb-galka madaxweynaha ee caleemo saarka waxay ka dambaysay marti qaad rasmi ah oo ay usoo dirtay dawlada Jabuuti, marti qaadka marka laga yimaado dalka Jabuuti waa dal aynu mataano nahay isku dal nahay xiriir walaaltinimo oo ma guuraan ahina ka dhexeeyo, marka farxadoodu waa farxadeenna”.

Sidoo kale, Afhayeenka Siinaalyo oo ka hadlaya safarka madaxweynaha ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kaddib marka uu ka soo laabto Jabuuti,ayaa yidhi “Madaxweynaha iyo weftigiisu marka ay soo dhamaystaan safarkaasi Jabuuti waxay dib ugu soo noqon doonaan dalka, Waxaanay u diyaar garoobi doonaan Safarka ay ku tagayaa Waddanka Imaaraadka Carabta, ujeedadda madaxweynaha ee imaaraadka waa booqasho rasmi ah, waxaana marti qaad usoo direy  madaxweyne ku xigeenka ahna Ra’isalwasaaraha imaaraadka Carabta, ahna xaakinka dubay Amiir Muxammed Bin Raashid Al Maktuum, dalka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh cudoon baryahan dambe, dan wadaaga ganacsi iyo dhaqaaluhu yahay halka ugu saraysa ee xidhiidhkaasi, socdaalka hadda ee weftiga madaxweynuhu yoolkiisu waa Imaarada Dubay, oo ka mid ah isku tagaga imaaraadka Carabta, midhaha ka dhasha labadda geesoodna ay yeelan doonaan waxay diiradiisu saarnaan doonta kaabayaaasha dhaqaalle ee dalka, gaar ahaan dekadda Berbera oo la doonayo inay isku xidh u noqoto gacanka cadmeed iyo bariga Afrika,marsooyinka gobolkana la tartanto ama ka horreyso. Waxa wax laga qabanayaa, haddii Allah yidhaahdo, korontada Magaalada Berbera, madaarka, kastamada, dhinaca Dalxiiska, shaqo abuurka, tababarro shaqaalaha Dawalddu ka heli doonaan Imaaraadka, kuna jirto kordhinta maamul wanaaggu, iyo guud ahaanba mashaariic lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka”

Mas’uuliyiinta ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Siilaanyo ee Imaaraadka, waxaa ka mid ah marwada koowaad ee Qaranka, Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cumar Sh. Maxamed Faarax, Wasiirka xanaanada xoolaha, C/llaahi Maxamed Daahir, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Hore waxaa ugu sugan Dalka Imaaraadka Carabta, Wasiirka Arrimaha Dibbedda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), iyo Maareeyaha Marsada Caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Xoor-xoor.

Comments are closed