Xukuumadda Siiriya oo lagu eedeeyey duqeyntii xerada qaxooti ee Idlib

siiriyaSiiriya (NN) 07/05/2016

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku geeriyootey, kadib markii diyaarado dagaal ay duqeeyeen xero qaxooti oo ku taala Waqooyiga Siiriya gobolka Idlib, gelinkii danbe ee Khamiista. Dadka ugu badan ee ku geeriyoodey ayaa ah haween iyo caruur sida ay sheegtey hay’add la socota arrimaha binimaadanimada ee dalka Siiriya.

Rami Abdul Rahman oo madax u ah hay’adda korjoogteysa arrimaha bini’aadanimada Siiriya ayaa sheegey in diyaaradaha weerarka qaadey ay ahaayeen kuwa Siiriya ama Ruushka.

Weerarka xerada qaxootiga ayaa imaanay 48 saac oo xabbad joojin ah laga gaarey magaalada Xalab.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegey in aysan xaqiijin karin in weerarka ay qaadeen diyaaradaha Siiriya, laakiin waxay ku tilmaameen mid aan sinaba loo aqbali karin.

Sidoo kale waxaa canbaareeyey weerarkan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Xaaladda Xalab ayaa ah mid aad u xun, waxaana dalalka Maraykanka iyo Ruushku ay ku heshiyeen in ay wada ilaaliyaan xabbad joojinta maadaama labada awoodood ay kala taageeraan dhinacyada Siiriya isku haya.

Comments are closed