Dabka Ka Holcaya Alberta Canada oo Laba Kacleeyay

albeertaAlberta-canada (NN) 08/06/2016

In dhawalaaba waxaa dab uu ka holcaayay goobaha shidaalka laga qodo ee gobolka  Alberta ee dalkaasi  Canada. Kooxaha dababka demiya ee loo yaqaano fire fighters afka qalaad ayaa laga soo bilaabo Axadii lasoo dhaafay isku dayaayay inay xaddidaan dabkaa.

Walow markii hore ay waxoogaa hoos u dhigeen ololka ayaa haatan waxay sheegayaan in uu dabku kasii daraayo oo tan iyo shaly uu kasii daray. Dad aad u badan ayaa kooxaha gurmadku ka daad gureynayeen meelaha u dhowdhow halka dabkaasi uu saameeyay.

Dabkaas oo dab duureed ama wild fire looga yaqaano waqooyiga Mareykanka ayaa waxaa loo sababeeyay in geedaha oo isxoqa uu ka kacay ama uu ka kaco.

Hanti aan la ogeyn ilaa iyo hada inta ay ku kaceyso ayaa ku gubatay dabkaa; Soomaali badan ayaa lagu soo waramayaa in hanti ay halkaa uga khasaartay.

Dabkaa ayaa waxaa haatan laga yaabaa inuu ku faafo gobolada u dhowdhow Alberta gaar ahaan gobolka Saskatchewan, waa sida laga soo xigtay shaqaalaha gurmadka ee Canada maadaama uu soo dhaafay magaalada shidaalka laga qodo ee Fort McMurry.

Dabkaas ayaa waxaa haatan uu gubay dhirtii iyo waxyaabihii kale ee kuyaalay kumanaan kun oo km oo iskuwareeg ah. Debaylo xooggan oo shalay halkaas ka socday ayaa loo aaneynayaa inay sii huriyeen dabka. 

Ku dhawaad 100 kun oo qof ayaa laga daad gureeyay halkaa tan iyo markii uu dabku halkaas ka bilowday dabayaaqadii asbuucii aanu soo dhaafnay.

 

Comments are closed