Ciidamada Khaaska ah ee Turkiga oo gudaha u galay dalka Siiriya

turkigaTurkiga (NN) 09/05/2016

Ciidamada komandooska Turkiga ayaa la sheegay inay gudaha u galeen wadanka Siiriya.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee Militariga Turkiga ayaa Sabtidii gudaha u galay qeybo kamid ah deegaanada waqooyiga Siiriya ee ku dhaw xaduuda labada dal, ciidamadan ayaa qorshahoodu ahaa inay burburiyaan saldhig ay lahayd kooxda Daacish.

Dowlada Turkiga ayaa ka gaabsatay inay wax faah faahin ah ka bixiso hawlgalkan, balse jaraa’idka dalkaasi kasoo baxa ayaa qoraya in ciidamadaasi ay Axadii shalay dib ugu soo noqdeen gudaha Turkiga kadib markii ay burburiyeen mid kamid ah saldhigyada ay Daacish ku lahayd deegaanka saaran xaduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Siiriya.

Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmuş ayaa sheegay in sadexdii bilood ee lasoo dhaafay kooxda Daacish 55 gantaal kusoo tuureen magaalada Kilis oo ku taal koonfurta Turkiga isla markaana u dhaw xaduuda Siiriya, wuxuuna sheegay in ciidamadooda ay duqeynmo la beegsadeen xarumaha Daacish ee laga soo tuuray gantaaladaasi, balse mas’uulkan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ciidamada gudaha u galay dalka Siiriya.

Saxaafada Turkiga ayaa qoreysa in ciidamada Turkiga ay kooxda Daacish ka dileen in ka badan 50 maleeshiyaad ah.

Dhinaca kale diyaaradaha Turkiga ayaa isla Axadii shalay duqeyn la beegaday waqooyiga dalka Ciraaq saldhigyo ay ku lahayd kooxda kale ee kurdida ee PKK, duqeyntaasi oo la sheegay in lagu burburiyey saldhigyada kaydka hubka ee kooxdaasi ku leedahay dhulka buuraleyda ah ee Waqooyiga wadanka Ciraaq.

Comments are closed