M/weyne Cabdi oo Furay Tababar 10 Maalmood Sacon Hogaaminta XDSHSI loo Qabtay

abdi1Jigjiga (ESTV) 09/05/2016

 

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee Kali kafuray tababarka hogaaminta XDSHSI heerarkiisa kaladuwan oo soconaya mudo 10 bari ah.

Furitaankii tababarkan hogaaminta XDSHSI ayuu madaxwaynuhu sheegay casharada lagu qaadanayo oo ay kamid yihiin: sooyaalkii taariikheed ee deegaanka dhinaca siyaasada, horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyo ladagaalanka aragtida dulsaarnimada sida: musuqa, qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga iyo argagixisada.

Waxaana tababarkan kasoo qaybgalay heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo oo tiradoodu kor udhaafayso 1,500 oo xubnood.

Casharada tababarkan ayaa waxaa bixinaya hogaaminta ugu saraysa XDSHSI oo uu kamid yahaymadaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye kuxigeen XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xil-dhibaanada mudane Maxamedrashiid isaaq iyo mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo waliba mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaana casharkii ugu horeeyay ee tababarkan kubilaabay dhanka nabadgelyada iyadoo galikii hore ee maanta halkaa kusoo xidhmay. Niska danbana lagalayo doodii casharkii saaka

Comments are closed