Turkiga oo Gargaar bani’aadamnimo u soo dirtay dadka Soomaaliyeed ee ay Abaartu Saameysay –

ACLIKLA MUCADELE EDEN SOMALI'DE YAKLASIK IKI YILDIR INSANI YARDIM OPERASYONUNU SURDUREN TURK KIZILAYI, DERINCE LIMANI'NDAN HAREKET EDECEK GEMIYLE SOMALI'YE 5 BIN TON SEKER, 5 BIN TON UNUN YANI SIRA BETON SANTRALI VE PARKE TASI MAKINESI GONDERECEK. (ANADOLU AJANSI - TAHIR TURAN EROGLU) (20130313)

ACLIKLA MUCADELE EDEN SOMALI’DE YAKLASIK IKI YILDIR INSANI YARDIM OPERASYONUNU SURDUREN TURK KIZILAYI, DERINCE LIMANI’NDAN HAREKET EDECEK GEMIYLE SOMALI’YE 5 BIN TON SEKER, 5 BIN TON UNUN YANI SIRA BETON SANTRALI VE PARKE TASI MAKINESI GONDERECEK. (ANADOLU AJANSI – TAHIR TURAN EROGLU) (20130313)

Turkiga (NN) 09/05/2016

Xukuumadda Turkiga, ayaa shaacisay in Somalia u dirtay Markab sida shixnad gargaar ah oo kala duwan, taasoo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Gar-gaarka deg-degga ah ee dalka Turkiga, ayaa Warbixin ay soo saartay waxay ku xustay in shixnad gaaraysa 11,000 oo tan ay u dirtay Somalia , si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Guddoomiyaha Hey’adda Fuad Oktay, ayaa sheegay in shixnadan ay tahay mid loogu talo-galay shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarihii waddanka ku dhuftay dhawaan ku yeesheen saameynta.

“Waxaan gar-gaarkan ugu talo-galnay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ku haystaan Somalia oo dhan, waa muhiim inaan caawinaa guud ahaan hooyooyinka Soomaaliyeeed,” ayuu yiri Fuat Oktay.

Ugu dambeyn, Turkiga ayaa horay kaalmo bani’aadanimo u gaarsiiyay Somalia, wuxuuna ahaa Wadankii u horreeyay ee soo gurmaday shacabka Somaaliyeed xilli ay abaar baahsan oo macluul sababtay ay ku dhufatay Somalia Sannadkii 2011-kii.

 

Comments are closed