Ciidamada Amniga Dowladda Somalia oo gacanta ku dhigay Gaari laga soo buuxiyay Qarxayo

muqdishoMuqdisho (NN) 10/05/2016

Ciidamada Amniga Somalia, ayaa sheegay in saaka ay gacanta ku dhigeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo marayay meel ku dhaw isgoyska Sayidka ee Muqdisho, iyadoo tani ay imaanayso xilli shalay weerarro isugu jiray Qarax iyo mid toos ah lagu qaaday xarunta taliska Ciidanka Taraafikada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen lix qof.

Qaar ka mid ah saraakiisha hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in gaarigan ay ku raad-joogeen – ayna hayeen xogtiisa, iyadoo saakay la xiray qayb ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama, si gaarigan loo kala furfuro.

Sidoo kale, lama sheegin cid loo qabtay gaarigan miineysan, laakiinse goob-joogayaal ayaa iyaguna xusay in la dhigay agagaarka koontarool baaritaan oo ay ciidamada booliisku ku leeyihiin isgoyska sayidka.

Dhanka kale, lama oga halka lala damacsanaa in gaarigan miineysan lagu qarxiyo, iyadoo ay saraakiishu sheegeen in baaritaanno ay socdaan ayna markii lasoo gaba-gabeeyo faahfaahinno bixin doonaan.

Ugu dambeyn, Arrintan ayaa imaanaysa, iyadoo dhawaanahan ay Muqdisho kusoo badanayeen gaadiidka miideysan ee Qaraxyada lagu geysto, waxaana shalay gaari waxyaabo qaraxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay xarunta ciidanka Taraafiokada ee Muqdisho.

 

Comments are closed