Maalintii 2aad Shirkii Tababarka Hogaaminta Sare XDSHSI oo Galay Maanta

cabdi

Jigjiga (ESTV) 10/05/2016

Tababarkii hogaaminta XDSHSI oo galay maalinkiisii labaad ayay saaka 9kii kooxood ee ka koobnaa 120ka xubnood  ee isugu xidhnaa 60,30,1 ilaa 5 xubnood ay bilaabeen soo jeedintii fikirada doodii casharkii shalay iyadoo ay fikirada oo urursan ay horjoogayaasha hogaaminta  kooxuhu soo jeedinayeen.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta kale ee XDSHSI ayaa ka dhagaysanayay  soo jeedinta fikirada kala duwan ee dooda kooxaha islamarkaana ay ka talo-bixinayeen kadib dhagaysashada soo jeedinta fikirada kooxaha hogaaminta.

Waxaana ilaa hada dooda fikiradoodii la dhagaystay koxdii 9aad iyo kooxdii 8aad iyadoo 7bada koxood ee hadhayna laga dhagaysan doono galinka danbe ee maanta .

Comments are closed