Somaliland oo heshiis ganacsi la gashey Imaaraadka Carabta, iyo hirgelinta heshiiskii Berbera Corridor

imaaradka

Imraadka (NN) 10/05/2016

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii uu ka qayb-galay xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti, 8 Maajo 2016, waxa uu si deg-deg ah ugu laabtey Hargeysa halkaas oo ay ku sugeysey diyaarad khaas ah oo Imaaraadka Carabtu u soo direy.

Raysalwasaaraha Imaaraadka Carabta ahna Amiirka Imaaradda Dubai Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa qasrigiisa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa heshiis rasmi ah la saxiixdey shirkadda weyn ee Dubai Port World kaas oo dhigaya ballaarinta dekadda Berbera isla markaana lagu wareejiyey maamulka dekadda shirkadda Dubai World muddo 10 sano ah, Heshiiska ayaa dhigaya dhisamaha korontada, Hoteel casri ah oo laga hirgeliyo xeebta dekadda Berbera iyo hormarinta dalxiiska.

hadiyad

Waxaa heshiiska kala saxiixdey Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Hirgelinta Berbera Corridor

Heshiiska Berbera Corridor oo socdey in ka badan 10 sano oo ay wadey Dowladda Itoobiya, kaas oo dhigayey ballaarinta dekadda Berbera iyo dhismaha waddo dhererkeedu yahay 930km ee isku xiraysa Berbera iyo Itoobiya. Mashruucan ayaa lagu wadey in uu maalgeliyo Bangigaga Adduunku.

Qorshaha dhismaha waddada isku xireysa Berbera iyo Itoobiya

Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay inay iyadu lacagta ka keeni doonto Bangiga Adduunka, balse maadaama Soomaliland aan la ictiraafsaneyn loo baahan yahay Shirkado Caalami ah oo damaanad qaada maamulka dekkada Berbera, arrintaasi oo ay dhexda kasoo gashay Dowlada Imaaraadka oo ku cadaadineysey Federaalka Soomaaliya inuu heshiiska saxiixo si shirkada Dubai World loogu wareejiyo Dekkada Berbera.

Xiriirka Dowladda Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ahaa mid aad u xun muddooyinkii danbe kadib markii Jabuuti ay kaaabxdey heshiisyo ay la gashey UAE, isla markaana dooratey Shiinaha. Imaaraadka Carabta ayaa joojiyey shaqooyinkii ay ka hayeen Jabuuti,  waxaana ay xireen qunsuliyaddii ay ku lahaayeen Jabuuti Abril 2015.

Itoobiya iyo Imaaraatiga ayaa faa’iido ka heli kara ganacsiga Berbera oo yoolkiisa yahay suuqa weyn 90ka milyan ee Itoobiyaanka waxaase la aaminsan yahay in canshuur aad u badan ay ku waayi doonaan Somaliland iyo Soomaaliyaba. Balse Somaliland ayaa u aragta in dhismaha dhulkeeda uu shaqo-abuuris u sameenayo shacabkeeda maadaama aysan heysan mashaariic kale oo waaweyn oo dhulkaasi laga hirgeliyey tan iyo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya.

Comments are closed