Daawo Kenya oo weli ku adkeysaneysa inay xireyso Xeryaha Qaxootiga Soomalida

kenya

Kenya (NN) 12/05/2015

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in qorshahan uu yahay mid hada socda isla markaana gudiga loo saaray soo diyaarinta nidaamka lagu xirayo xeryahan ay warbixintooda soo gudbin doonaan dhamaadka bishan aan ku jiro, waxayna sheegeen in dhamaadka sanadkan la xirayo xeryaha.

Hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inay ka fiirsato go’aankan ay soo saartay dhamaadkii asbuucii lasoo dhaafay.

Balse Guddiga arrimaha Amniga u qaabilsan Baarlamaanka Kenya ayaa isaguna ku raacay xukuumada Kenya go’aankeeda ah in arrimaha amniga daraadeed loo xiri doono xeryaha ay ku jiraan in ka badan 600 kun oo qaxooti u badan Soomaali.

Dhinaca kale waxaa la isweydiinayaa waxa ay illaa iyo hada arritan uga hadli weysay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed