Madaxwaynaha Dalka Brazil Marwo Rousseff oo Xilalkii laga xayuubiyay

epa05296683 (FILE) A file picture dated 06 May 2016 shows Brazilian President Dilma Rousseff delivering a speech during a ceremony to launch a new phase of the state-funded housing program, at the Planalto Presidential Palace in Brasilia, Brazil. According to news reports on 09 May 2016, Waldir Maranhao, the acting speaker of Brazil's lower house has annulled a 17 April vote allowing the impeachment process against President Dilma Rousseff. Brazil's lower house of Congress had voted on 17 April in favor of impeaching Rousseff for allegedly manipulating budget figures to minimize the deficit. Rousseff denies the allegations, insisting the impeachment process is a coup against her.  EPA/FERNANDO BIZERRA JR.

epa05296683 (FILE) A file picture dated 06 May 2016 shows Brazilian President Dilma Rousseff delivering a speech during a ceremony to launch a new phase of the state-funded housing program, at the Planalto Presidential Palace in Brasilia, Brazil. According to news reports on 09 May 2016, Waldir Maranhao, the acting speaker of Brazil’s lower house has annulled a 17 April vote allowing the impeachment process against President Dilma Rousseff. Brazil’s lower house of Congress had voted on 17 April in favor of impeaching Rousseff for allegedly manipulating budget figures to minimize the deficit. Rousseff denies the allegations, insisting the impeachment process is a coup against her. EPA/FERNANDO BIZERRA JR.

Brazil (NN) 12/05/2016

Kadib fadhi qaatey 20 saacadood ayaa aqalka Sare ee Senate-ku dalka Brazile u codeeyeen mooshinkii ka dhanka ahaa Dilma Rousseff, kaas oo dhigaayey in maxkamad la soo taago kadibna lagu sameeyo xil ka xayuubin, waxaana aqalka Sare u soo gudbiyey Aqalka Hoose, kadib markii maxkamadda sare go’aamisey in mooshinka laga doodi karo, bishii Abril

Aqalka Shuyuukhda (Senate) Brazile oo ka kooban 77 Xildhibaan ayaa 55 ka mid ah u codeeyeen Mooshinka, halka ay ka soo horjeesteen 22 kale.

Taas macnaheeda ayaa ah in Dilma Rousseff sida ugu dhakhsiyaha badan loogu sameeyo baaritaan xilkana ay uga degto si kumeelgaar ah. Muddada baaritaanku ku socdo waxaa xilka si kumeel gaar ah u haynaya Madaxweyne ku-xigeenkeeda Michel Temer oo ka mid ahaa dadkii mooshinkan ka soo shaqeeyey, waxay haysanaysaa magaceeda Madaxweyne laakiin maqaamkeeda si weyn ayaa hoos loogu dhigayaa muddada baaritaanka iyo Maxkamadda ayaa soconaya 180 maalmood.

Kadib baaritaanka waxaa bilaabanaya Maxkamadda xilka looga qaadayo Madaxweynaha Brazile taas oo ay dhici karto ama in xafiiska dig ugu soo laabato ama si rasmi ah xilka looga cayriyo.

Mooshinkan oo ay soo qaban qaabiyeen xisbiyada Mucaaridka oo ah aqlabiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa waxaa lagu saleeyey in Madaxweyne Rousseff ay been ka sheegtay miisaaniyada Dowlada xiligii ay ku jirtay tartankii doorashadii dhacday 2014. Walow dacwadan lagu tilmaamay inqilaab siyaasadeed oo lagu doonayo in xilka looga tuuro Haweenayda Madaxweynaha ah oo ku timid doorasho shacab.

Xiisadan siyaasadeed ayaa sidoo kale la sheegayaa in xisbiyada Mucaaridka ay taageero qarsoodi ah ka helayaan Dowlada Maraykanka iyo shirkadaheeda daneeya macdanta wadanka Brazil, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda siyaasada xisbiga Shaqaalaha ee talada haya iyo waliba dhismaha isbaheysiga loo yaqaan BRICS oo ay ku bahoobeen dalalka Brazil, Ruushka, India, China iyo South Africa.

Comments are closed