Ciidamada Mareykanka oo SHALAY Al-shabaab Duqeeyay, Galbeedka Muqdisho

mareykanka duqeynMuqdisho (NN) 13/05/2016

Ciidamada hawlgalada gaarka ah ee Mareykanka ayaa amar lagu siiyay inay duqeeyaan Al-Shabaab gudaha Soomaaliya kadib markii hawgal la waday uu isu rogay dagaal aanan la fileyn.

Arintaa ayaa waxay ka dhacday galbeedka Muqdisho SHALAY sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay intaasi ku dareen in wax ciidamo ah oo Mareykan ah oo ku dhaawacmay aysan jirin.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhex maray ciidamada Uganda ee AMISOM iyo xarakada Shabaab balse ciidamo Mareykan ah ayaa weheliyay ciidamadaasi Uganda ee AMISOM.

Sida laga soo xigtay telefishinka CNN ee Mareykanka,  ciidamada Mareykanka inkasta oo ay dirirta ka qeyb qaateen hadana wax dhaawac ah midkoodna masoo gaarin.  Si kastaba ha ahaatee, saraakiil kale oo militari ah ayaa laakiin sheegaya in ciidamada Mareykanka ay hawlgalkaas ka qeybqaateen oo dagaalka oo dhacay KHAMIISTII shalay ahayd ay galeen.

Ciidamada Uganda ee AMISOM ayaa doonayay inay halkaa ka qaadaan isbaaro la sheegay in Al-shabaab ay halkaa dhigteen. Dirirta ayaa dabadeed bilaabatay kadib markii ciidamada Uganda lasoo weeraray oo ay 20 dabley ah ay weerar ku diireen.

Si kastaba ha ahaatee, markii ciidamadii Uganda ay wax iska caabin waayeen, dableydiina ay u caal waayeen ayaa ciidamada Mareykanka oo gaaraya 50 Soomaaliyana ujooga inay tababaraan AMISOM ay amar ku bixiyeen in hawada isbaarada iyo dableydii laga duqeeyo.

Sida laga soo xigtay CNN, ciidamadaa Mareykanka ah ee meeshaa in la duqeeyo amray ayaa ku dhuumanaayay meel aan ka fogeyn halkaa.
Diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyeyaashu lasocon ee meelaha fogfog laga hago ee afka qalaad loo yaqaano drones ayaa ka qeyb qaatay duqeynta.

 

Comments are closed