Daawo Boqor Burhaan oo ku dhawaaqay Shirweynaha Isimada Soomaaliyeed oo ka furmaya Qardho 21 May

boqorGaroowe (NN) 13/05/2016

Boqor Burhan Boqor Musse ayaa shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay magaalada Bosaaso iclaamiyey xiliga uu furmayo shirweynaha Isimada Beelaha Soomaaliyeed oo ka dhici doona magaalada Qardho.

Shirweynahan ayaa lagu wadaa inuu furmo 21ka bishan May ayaa waxaa la qorsheeyey inay ka qeyb galaan dhamaan Hogaamiyayaasha Dhaqanka ee Soomaalida, iyadoo shirkan la sheegay inay kasoo qeyb geli doonaan oday dhaqameedka ka imaan doona dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa nabadeynta iyo dib-u-heshiisiin beelaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

“…Shirkan waa mid ka baxsan arrimaha Siyaasada, waxaana dooneynaa in hogaamiyayaasha dhaqanka ay uga hadlaan dhibaatooyinka Soomaalida heysata guud ahaan…Waanu soo dhaweenaynaa dhamaan Isimada Soomaaliyeed ee shirkan kasoo qeybgalaya iyo cid walba oo wanaag wada…” ayuu yiri Boqor Burhan oo shirkan ka iclaamiyey kulan Qado ah uu maanta magaalada Bosaaso ugu qabtay qaar kamid ah issimada.

Boqor Burhan ayaa xiligii la caleemo saaray shaaciyey inuu doonayo inuu shirweyne u qabto Issimada Soomaaliyeed guud ahaan sidii ay uga tashan lahaayeen xal u helida dhibaatooyinka heysta ummada Soomaaliyeed.

 

Comments are closed