ERDOGAN: Ma jirto Awood Midowga Yurub uu u leeyahay inuu Turkiga ku Qasbo Arrimo Gaar ah

ordagan

Turkiga (NN) 13/05/2016

Heshiiskii ay Midowga Yurub iyo Xukuumadda Turkiga dhawaan kala saxiixdeen ee ku saabsanaa hakinta qul-qulka Qoxootiga galaya Yurub ayaa burbur ku dhaw, kaddib markii Midowga Yurub uu shuruudo ku xireen codsigii Turkiga ee ahaa inay Muwaadiniinteedu Yurub galaan iyagoo aan wadan wax dal-ku-gal ama Viso ah.

Ururka Midowga Yurub ayaa Xukuumadda Turkiga ku xiray inay soo buuxiyaan 72-qodob oo shuruudo ah, ka hor intaan loo fasixin dadka haysta baasaboorka Turkiga in Fiiso la’aan ay tegi karaan wadamada Midowga Yurub, Iyadoo khilaafka ugu weyn ee hadda ka taagan uu yahay shuruudaha ay ururka Midowga Yurub uga codsaday dowladda Turkiga inay wax ka beddelo sharcigeeda la-dagaallanka Argagaxisada.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa ku andacoonaya in Xukuumadda Turkida – looga baahan yahay inay wax-ka-bedesho qodobo ka mid ah sharciga cusub ee Turkiga oo dhawaantan la ansixiyay, kaasoo ay dalalka Yurub u arkaan mid xukuumadda Ankara ay si aan toos ahayn ugu cadaadinayso xisbiyada mucaaridka ah ee Turkiga.

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recap Tayyip Erdogan, ayaa si adag uga Jawaabay – baaqa Ururka Midowga Yurub, Isagoo Xusay in Turkiga uusan ka Amar qaadan Midowga Yurub, wuxuuna si gaar ah isku weydiiyay; Yaa Awoodaas idiin siiyay Midowga Yurub?

Erdogan, ayaa horey u dhaliilay qodobbo ka mid ah heshiiskii bishii Maarso ee sannadkaan 2016-ka ay magaalada Brussels ku wada-gaareen RW dalka Turkiga Ahmed Davutoglu iyo Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub oo ku heshiiyay inay iska kaashadaan hoos u dhigidda Qoxootiga badan ee Waddamda Yurub galaya, iyadoo Turkiga laga Caawin doono Dhanka Xeryaha Qoxootiga, Ganacsiga iyo isku socodka muwaaddiniinta labada dhinac.

Dhanka kale, RW dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa la filayaa inuu dhawaan xilka iska casilo, kaddib markii uu soo dhex-galay Khilaaf isaga iyo Madaxweyne Erdogan. Waxaana Erdogan uu xiligan ku mashquulsan sidii dastuurka Turkiga loo beddeli lahaa oo inta badan Awooda Xukuumaddana loo hoos geyn lahaa xafiiskiisa.

Ugu dambeyntii, Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay in Sharciga ay Dajisteen ee la xiriira La-dagaallanka Argagaxisada aan is-beddel ah lagu sameyn doonin, Isla markaana uu Turkigu yahay dal Madax-banaan, Wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay isla-weydnida Midowga Yurub iyo baaqooda ah inaysan dowladda Turkiga iska difaacin kooxaha Argagaxisada ah.

Comments are closed