Daawo Ugandha: Hogaamiyaha Mucaaridka oo lagu soo oogay danbi Khiyaano Qaran

uganda1Uganda (NN) 14/05/2016

Kizza Besigye oo ahaa hogaamiyaha Mucaaridka dalka Ugandha ayaa maanta oo Sabti ah lagu soo oogay dacwad ah khiyaano Qaran kadib markii uu beeniyey in Madaxweynaha xilka haya Yuweri Musefeni uu doorashada ku guuleystay, Besigye ayaa sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha saxda ah.

 

Hogaamiyahan Kizza Besigye ayey marar badan xireen ciidamada amaanka kahor doorashooyinka dalkaasi ka dhacay iyo waliba kadib, isagoo lagu eedeeyey inuu abaabulayey mudaharaadyo dowlada looga soo horjeedo.

Madaxweyne Yuweri Musefeni oo dalkaasi kasoo talinayey muddo 30 sano ah ayaa Khamiistii lasoo dhaafay markale loo dhaariyey xilka. Maalin kahor xaflada dhaarinta ayey ciidamada Amaanka xabsiga dhigeen Kizza Besigye oo lagu xiray xabsi ku yaal magaalada Moroto oo 500km u jirta caasimada Kambala una dhaw xaduuda dalka Kenya.

Dacwadan cusub ee khiyaanada Qaran ayaa ah mid muujineysa inuu weli sii socda xiisada ka dhex taagan xukuumada talada heysa iyo xisbiyada Mucaaridka oo sheegaya in doorashadii sanadkan ay u dhacday qaab musuq maasuq ah oo uu markale ku shubtay Madaxweyne Musefeni.

Dr.Besigye ayaa hada kahor mar soo noqday dhakhtarka khaaska ah ee Madaxweyne Musefeni kahor intuusan noqon hogaamiyaha mucaaridka Ugandha.

Comments are closed