Shirweynaha la dagaalanka Boko Xaram oo ka furmay Abuja, Nigeria

faranceNigeria (NN) 14/05/2016

Waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Abuja ee caasimada Nigeria ka furmay shirweyne ay wadamada Galbeedka Afrika iyo Beesha Caalamka uga hadlayaan sidii loo burburin lahaa awooda kooxda Boko Xaram.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya wafuud badan oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha Afrikaanka ah ee wadamada Benin, Cameroon, Chad iyo Niger. Waxaa sidoo kale shirkan kasoo qeyb galay Madaxweynaha France Francois Hollande oo ah hogaamiyaha kaliya ee ka yimid dhanka wadamada reer Galbeedka, walow ay shirka ku sugan yihiin wafduud ka socota Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo qorshe cusub oo looga hortagayo kooxaha xagjirka ah oo ay ugu horeyso Boko Xaram ee khatarta ku haya dalalka Galbeedka Afrika.

Dhinaca kale waxaa la filayaa inuu heshiis dhanka militariga ah uu dhexmaro dalalka Nigeria iyo France oo mudooyinkii danbe xooga saartay saameynta ay ku leedahay dalalka Afrika iyo hawlgalada dhanka militariga ah oo ay ka wado wadamada Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika.

Faransiiska ayey hada ciidamo ka joogaan dalalka Mali iyo dalka Chad oo ay xaduud wadaagaan Nigeria, waxaa sidoo kale la sheegaa in ciidamada khaaska ah ee Faransiiska ay sidoo kale hawlgalo ka dhan ah Daacish ka wadaan gudaha wadanka Liibiya.

Comments are closed