Daawo Sawirro: Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga xusay Garowe

1Garoowe (NN) 15/05/2016

Maanta oo Axadda waxaa lagu qabtay Garowe xus lagu maamuusayey maalinta dhalinyarada Soomnaaliyeed oo 15ka May ah, maasuuliyiinta dowladd, kuwa Ha’yadaha iyo dadweyne kale ayaa ka qayb galay.

Waxaana munaasabadda looga hadlay 73 guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay ururkii dhalinyarada ee xornimo doonka sanadkii 1943-dii.

Masuuliyiinta iyo dadkii kale ayaa hambalyo udiray dhamaan dhalinta Soomaaliyeed, waxaana laga hadlay dhibaatooyina soo wajahay oo ay ugu weyntahya tahriibta.

Waxaa jiray tartan orad ah oo loo qabtay dhalinyaro ka socotay shanta degmo ee gobolka Nugaal ka kooban yahay, waxaana kaalimaha kowaad iyo labaad galay degmada Garowe, halka degmada Den gorayo ay gashay kaalinta sedexaad.
Munaasabadda oo lagu qabtay Jaamacadda PSU, waxaa masuuliyiintii hadalka ka jeedisay kamid ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wasiirka Shaqada,Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in dhalinyaradu sanadihii dambe  la kulmayeen dhibaatooyin ay ugu horayso Tahriibka iyo shaqo la’aan soo wajahda, wuxuuse tilmaamay in wasaaraddu da daal ugali doonto sidii looga hortagi lahaa arimahaas.

Dhalinyarada ayuu ugu baaqay inay ka waan toobaan Tahriibta oo  wasaaradda kala shaqeeyaan  barnaamijyada looga hortagayo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa uhambalyeeyey dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in 15ka May ay tahay maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay tahay markii la asaasay ururkii Dhalinyarada ee gobonimo doonka SYL.

Wuxuu tilmaamay in baarlamaanka Puntland uu dhawaan meel marin doono Siyaasada dhalinyarada, isagoo ugu baaqay inay ka joogsadaan Tahriibka.

Sanad kasta maanta oo kale waxaa meelo kamid ah dalka laga xusa 15ka MAY oo ah markii la asaasay ururkii SYL, waxaana sanadihii dambe xusku kusoo aadayey xili ay dhalinyarada Soomaaliyeed wajahaan xaalado adag oo ay qayb ka yihiin Tahriibka iyo Shaqo la’aanta.

Sawirro.

_DSC4732 _DSC4734 _DSC4735 _DSC4736 _DSC4737 _DSC4740 _DSC4741 _DSC4742 _DSC4743 _DSC4744 _DSC4747 _DSC4753 _DSC4756 _DSC4761 _DSC4762 _DSC4763 _DSC4764 _DSC4766 _DSC4769 _DSC4771 _DSC4772 _DSC4773 _DSC4774 _DSC4776 _DSC4781 _DSC4786 _DSC4788 _DSC4796 _DSC4798 _DSC4799 _DSC4800 _DSC4801 _DSC4803 _DSC4807 _DSC4818 _DSC4827 _DSC4831 _DSC4838 _DSC4855 _DSC4856 _DSC4858 _DSC4862 _DSC4867 _DSC4871 _DSC4877 _DSC4917 _DSC4928 _DSC4932 _DSC4948 _DSC4963 _DSC4969

 

Comments are closed