Falastiin: Maalinta xuska (Nakba) Musiibadii ku habsatay ummada reer Falastiin

falastiinFalastiin (NN) 15/05/2016

Shacabka reer Falastiin ayaa maanta xusaya musiibadii ku habsatay kadib aasaaskii maamulka Isra’iil ee awooda kula wareegay dhulkooda.

Xuskan loo yaqaan (Nakba) ayaa ka dhacaya dhamaan deegaanada kala duwan ee Falastiiniyiinta iyagoo xusaya xasuuqii iyo baro kicintii ay Yuhuuda ku sameeyeen tuulooyinka iyo magaalooyinka ay degenaan jireen intii u dhaxeysay sanadihii 1947 illaa 1949.

Nakba2016-1

Xuska sanadkan ayaa kusoo beegamaya xili ay jiraan dadaalo lagu doonayo in markale dib loo bilaabo wadahadalkii Bariga dhexe ee Falastiiniyiinta iyo maamulka Isra’iil.

Isku daygan nabad raadinta ah ayaa waxaa wada dowlada France oo sheegtay inay markan iyadu isku dayi doonto inay dhex dhexaadiso labada dhinac, kadib markii uu Maraykanka marar badan ku fashilay inuu ka miro dhaliyo wadahadaladii Falastiiniyiinta iyo Isra’iil.

Wasiirka-France-IsrailWaxaa hada ku sugan dhulkaasi wafdi ka socda dowlada France oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee France Mr. Jean-Marc Ayrault oo kulamo laleh labada dhinac.

30ka bishan May ayaa lagu wadaa in wadamada reer Galbeedka ay isugu yimaadaan shir uu guddoominayo dalka France oo horudhac u noqon doona dadaalkan cusub ee wadahadalka, walow aan la aqoon in dadaalka Faransiiska ay taageeri doonaan Maraykanka oo ah awooda ugu weyn ee gabaadka siyaasadeed, militari iyo dhaqaale siisa Isra’iil.

Comments are closed