Kooxda Barcelona ee Waddanka Spain oo ku Guuleysatay Koobka Horyaalka Kooxaha Spain

ispenSpain (NN) 15/05/2016

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay horyaalka La Liga ee Spain, kaddib markii ay 3-0 kaga adkaatay kooxda Granada oo kulan adag ay yeesheen xalay, saddexdaas gool ayaa waxaa Barcelona u dhaliyay, Luis Suarez oo dhinaca weerarka kaga cayaara.

Guushaa ay gaartay Kooxda Barcelona, ayaa u xaqiijisay inay Horyaalka dalkeeda qaaddo, waxayna dhibic keliya ka hor-martay Kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Real Madrid oo iyaduna dadaal weyn ugu jirtay inay horyaalka Spain qaadato.

Naadiga Real Madrid, ayaa dhankeeda 2-0 kaga badisay Kooxda Deportivo La Coruna oo ay ciyaar adag yeesheen.

Barcelona oo ka dhisan gobolka Catalonia ee dalka Spain, ayaa Hor-yaalka La Liga ku guuleysatay Siddeed jeer tan iyo markii ay kusoo biireen laacibiinta caanka ah ee kala ah; Messi iyo Iniesta.

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa sheegay in Kooxda Barcelona ay u qalanto inay ku guuleysato horyaalka dalka Spain ee sannadkan. Iyadoo guusha ay Barcelona ku qaadday Horyaalka Spain ay kusoo beegmayso xilli labadan Kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ay u ballansan yihiin kulammo fiinaal ah.

Kooxda Barcelona ayaa 22-ka bishan kooxda Sevilla la cayaari doonta Cayaartii ugu dambeysay ee Koobka Dalka Spain ee loo yaqaano Copa del Rey.

Ugu dambeyn, Real Madrid waxay iyaduna 28-ka bishan May wada ciyaari doonaan Finalka Horyaalka Qaaradda Yurub, iyadoo la cayaari doonta kooxda ay magaalada qura kawada dhisan yihiin ee Atletico Madrid.

Comments are closed