Muqdisho (NN) 15/05/2016
Xafladda 15-ka May maalinta oo lagu qabtay dhismaha taallada SYL, waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, dhallinyaro iyo dhinacyada kale ee bulshada rayidka ah.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa wuxuu ubax-dhigay Taallada SYL oo Astaan u ah 13-kii dhallinyaro ee Gobannimo-doonka ahaa. Khudbad uu xafladdaas ka jeediyay, ayuu ugu hambalyeeyay dhamaan dhallinyarada maanta; isagoo ugu baaqay inay dalkooda dhistaan.
“Maanta waa Maalintiina idinka ayaa xooggii ah dhalinyarooy; waxaa la idinka rabaa inaad u istaagtaan dhismaha waddooyinka Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee waddanka, kuna bixiya waqtigiina dhismaha dalkiinna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Comments are closed