SAWIRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhigay Taalada SYL Ubax 15-ka May lagu Maamuusayo

xasan2Muqdisho (NN) 15/05/2016

Sanad kasta Maanta oo kale, waxaa Soomaaliya laga xusaa Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, Taasoo lagu Maamuuso Aasaaskii Ururkii SYL ee Gobonimo-doonka ahaa.

xasan4Xafladda 15-ka May maalinta oo lagu qabtay dhismaha taallada SYL, waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, dhallinyaro iyo dhinacyada kale ee bulshada rayidka ah.

xasan1Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa wuxuu ubax-dhigay Taallada SYL oo Astaan u ah 13-kii dhallinyaro ee Gobannimo-doonka ahaa. Khudbad uu xafladdaas ka jeediyay, ayuu ugu hambalyeeyay dhamaan dhallinyarada maanta; isagoo ugu baaqay inay dalkooda dhistaan.

xasan3“Maanta waa Maalintiina idinka ayaa xooggii ah dhalinyarooy; waxaa la idinka rabaa inaad u istaagtaan dhismaha waddooyinka Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee waddanka, kuna bixiya waqtigiina dhismaha dalkiinna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Xarigga ka jaray waddooyin Laami la saaray oo Muqdisho ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Waddada isku xirta is-goysyada Zoobe iyo kan Dan-wadaagta iyo tan isku xirta Sayidka iyo isgoyska Howlwadaag oo lagu dhisay Mashruuca dalkaada dhiso. isagoo xusay in haddii dadku ay wax isku darsadaan waddanka oo dhan la dhisi karo.

Ugu dambeyn, Dhallinyadu waa xoog qarsoon iyo mid muuqda waana muhiim inay helaan Cid Dhiirri-gelisa, Waana hubaan in ay dalkooda iyo dadkooda Wanaag u horseedi karaan.

Comments are closed