Ogeysiis dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Scandinavia Fadlan is diwaan gali Shirka July jigjiga lagu Qaban

13224102_1751051065172603_520662997_o

Scandinavia (ESTV) 16/05/2016

Ogeysiis Dhamaan Jaaliyadda DDSI ee Wadamada Sweden & Filand & Germany & France & Italy & Belgium & Denmark & Irenland & Switzerland & Netherland & Norway & Dhamaan Gudoomiyayaasha DDSI in ay lasoo Xidhiidhaan ayna u soo Gudbiyaan Xubnaha Ka Qeybgalaya Shir Weynaha Qurbajoogta DDSI ee Ka Dhacaya Xarunta DDSI ee Magaalada Jigjiga.

Fadlan Lasoo Xidhiidh Gudoomiyaha Guud Ee Scandinavia Mudane Cabdicasiis Seraar Xaashi Tirada kasoo qaybgalayaasha shirkan dhanka qurbajoogta ayaa lagu wadaa 2,500 oo qurbajoog ah oo ka kala iman daafaha Aduunida Xukumadda DDSI ayaa Waxay diyaarisay goobta shirka iyo dhamaan martigalinta sida Jiifka, cuntada iyo gaadiidka ee mudada uu socdo kulan-waynuhu oo ah 7bari iyo 3 cisho oo booqashooyin ah iyo 2 cisho oo ambabax ah isugayn mudo 12 maalmood ah.

Sidii ay uga soo qaybgali lahaayeen todobaadka kulan-waynaha qurbajoogta DDSI si ay shacabkooda kula-wadaagaan aqoon iswaydaarsi. Sidaadarteed, waxaa looga baahan yahay qurbajoogta inay ticketka diyaarada ee ilaa jigjiga ay hada sii goostaan go and back iyo in jaaliyad kasta ay sii diyaarsato wixii ay kaga qaybgali lahayd kulanwaynaha iyo waxqabadkooda kajaaliyad ahaan. 

Mudada u dhaxaysa 16ka ilaa 30ka bisha May. Ugudanbayna waa inay qurbajoogtu jigjiga kusugnaadaan 6da Jully Habeenimada 6da Jully waxay Qyrbajoogta heli doonaan kaarka galida kulanwaynahaoo ay kuqoran tahay magaciisa iyo sawirkiisa iyo Telfon numberkiisa iyo numberka mursiga uu fadhiisanayo, wadanka uu kayimid, magaca iyo numberka contact person goobta numberka qolka uu jiifsanayo iyo emergence contact number in DDSi 

1da ilaa 6da Jully waxaa qurbajoogta soo dhawayni mas’uuliyiinta sare ee DDSI. 

7da Jully waxaa wacdaro dhigi doona kooxda baanbayda oo si heer sare ah u muujin doona soo dhawaynta sare ee qurbajoogta. 2da ilaa 3da subaxnimo kadibna, waxaa kulanwaynaha lagu furi doonaa heesta calanka federalka iyo heesta calanka DDSI

Comments are closed