Daawo: Booqashada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Baarlamaanka SL ee Minnnsota

b1Minnesota (NN) 17/05/2016

Waxaa booqasho ku joogay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somlailand, C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro] oo ka koobnaa Xildhibaanno baarlamaanka kasoo gala xisbiga Waddani.

Intii ay booqashada ku joogeen Dalka Maraykanka, Waxay hore u soo mareen Magaalada Washington oo ay kula kulmeen madax kala duwan, waxay kaloo booqdeen Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio, oo ay kula kulmeen jaaliyadda Somaliland ee ku sugan gobolkaas. Kaddibna waxay u soo gudbeen gobolkaan Minnesota, oo loogu soo dhaweeyay si aad u heer saaraysa.

b2Sidoo kale, Intii ay booqashada ku joogeen Minnesota waxay la kulmeen xubno ka tirsan maamulka gobolka madaxda qaybaha caalimiga ah, kuwa dhaqaalaha iyo kuwa arrimaha dibadda, waxay kaloo la kulmeen xildhibaano ka tirsan aqalka sare iyo kan hoose ee gobolka.

Waxaan shirarkan horumarinta iyo iskaashiga u badnaa soo abaabulay, Dr. Siyaad C/llaahi oo ka mid ah ganacsada iyo hogaamiyaasha Jaaliyadaha Bariga Afrika ee Minnesota dagan.

Mar uu la hadlay HOL ayuu sheegay inay ka shaqeenayaan sidii la isugu xiri lahaa Dowladaha Bariga Afika iyo tan Minnesota, iyagoo layska kaashan karo dhan walba haba ugu waynadee xagga ganacsiga iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

b4Waxaa kaloo intay joogeen magaalooyinka Minneapolis iyo St Paul booqdeen xarunta waxbarashada ee International oo ah iskuul ay maamulaan mas’uuliyiin Soomaaliyeed una badan arday kasoo jeeda Bariga Afrika, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay maamulka iskuulka iyagoo booqday fasallada ay ardayda dhigtaan, ardayduna waxay waydiiyeen wafdiga suaalo ku kooban shaqadooda iyo Somaliland.

Ugu dambeyn, Guddoomiyahu wuxuu inii uu Minnesota la joogay kula hadlay mid ka mida Hoteellada Waa-wayn Jaaliyadda Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani, isagoo kala hadlay xaaladda dalka iyo doorashada soo socota.

 

 

Comments are closed