Dagaalka weli ka socda Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne, Hiiraan

bBaladweyne-(NN)17/05/2016

Wali waxaa la maqlayaan Rasaas ay is-weydaarsanayaan malleeshiyo beleed ku dagaallamaya xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilo kala duwan oo ku sugan xaafadda lagu dagaalamayo ayaa inoo sheegay in tiro ka badan afar qof oo Rayid ah ku dhinteen dagaalka, halka dhinaca kalana dhaawacu ka badan yahay ilaa shan ruux.

Qeybaha ay ka kooban tahay xaafada Hawlwadaag ayaa kala xiran, waxaana jira dadweyne wali ku xayiran suuqa Toora-boora oo ah halka uu Dagaalku ka qarxay, madaama waqtigaa ay ku sugnayeen goobahooda ganacsi.

Haweeney ku nool xaafadda Howl-wadaag oo aan la hadlnay ayaa Warbaahinta u sheegtay inay ka Wal-walsan tahay Xaaladda Labo Carruur ah oo ay Dhashay oo Waqtiga uu Billaabanayay dagaalku ku maqnaa Dugsi ay wax ka baranayeen.

Dagaalkan ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay dhamaanba qeybaha ay xaafaddu ka kooban tahay, waxaana meelaha qaar ku dhacaya rasaasta wiiftada ah oo ay Adeegsanayaan labada dhinac ee iska soo hor-jeeda.

Illaa iyo hadda ma jirto taalaabo ay qaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ama dhinaca kale ciidamada AMISOM oo saldhig millateri ku leh xaafadda Dagaalku ka socdo.

 

Comments are closed