Munaasabada Soo Dhawaynta Xuska Sanad-guurada 25aad ee 20ka Ginboot

badi1Jigjiga (ESTV) 17/05/2016

 

Kadib markii loo qabtay tababar heerarka kala duwan ee hogaaminta XDSHSI islamarkaana uu ka socday hoolka shirarka ee kaali mudo 10 maalmood ah ayaa maanta lagu soo gunaanaday munaasabad lagu maamusayo soo dhawaynta xuska sanad-guurada25aad ee 20ka Ginboot

abdi2

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa khudbad muhiim ah ka soo jeediyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in munaasabadan lagu soo dhawaynayo xuska sanad guurada 25aad ee 20ka Ginboot oo ah maalinkii afka dhulka loo daray  kaligii taliskii dhargiga islamarkaana ay tahay maalin mudan in lasoo dhaweeyo iyadoo munaasabadanina ay tahay tii ugu horaysay ee sidan oo kale u dhacda maadaama oo ay u dhanyihiin guriga dhamaan Heerarka kala duwan ee hogaaminta XDSHSI sida hogaamintii heer-deegaan ilaa iyo heer degmo. Wuxuuna Madaxwaynahu intaa ku daray in xiligii laga takhalusay kaligii taliskii dhargiga 1983 ay xisbiga talada dalka JDFI haya ee  EPRDF qabteen munaasabad soo dhawayna oo ku beegnayd maanta oo ay tahay taariikhdu 8da Ginboot. Wuxuuna hadalkiisii ku soo gunaanaday odhaahyo dhiiri galin ah oo ay kamid ahaayeen dib-u curashadu hawaarto.

abdi3

Sikastaba ha ahaatee, waxaa iyaguna dhinacooda ciyaaro wacdaro leh ku soo bandhigay ardayda hooyga agoonta waalidkood nabad diidka UBBO uu laayeey ee magaalada jigjiga. kuwaasoo soo bandhigay ciyaaro aad u farxad galiyay guriga oo ahaa ciyaaraha sarkiska qaybahooda kaladuwan.

Ugudanbayna munaasabadan oo ay u dhanaayeen dhamaan qaab-dhismeedka DDSI qaybahooda kaladawan iyo waliba dhamaan shaqaalaha heer deegaan ayaa waxaa iyana meesha kamaqnayn kooxaha fanka iyo suugaanta oo halkaas  ku soo bandhigay heeso wadani ah oo katurjumaya 20ka Ginboot iyo waliba heeso katurjumaya horumarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday.

ddsi1ddsi2ddsi4ddsi5ddsi6

Comments are closed