Beesha caalamka oo soo farogelisey khilaafka cusub ee hanaanka doorashada 2016

xasanMuqdisho-(NN)18/05/2016

Kulamo looga hadlaayey hesiiskii hanaanka doorashada 2016 oo tan iyo maalintii isniinta ka socdey magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan ku dhamaadey, kulamadaas oo u dhexeeyey Madaxweynaha, Raysalwasaaraha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo guddi ay iska soo saareen 21 xubnood oo Baarlamaanku u saarey sharciyeynta iyo dib u eegista heshiiskii 12 Abril 2016 ay hoggaamiyasha madasha sare ee wadatashiga qaran gaareen.

Markii heshiiska la gaarayey waxaa laga bodey baarlamaanka, waxaana wararku sheegayaan in uu go’aankaas lahaa Madaxweyne Xasan Shiikh, kadib go’amadii ka soo baxay madasha ee beesha caalmu ay taageertey ayaa qorshaha labaad ee B la soo saarey kaas oo caqabad looga dhigaayo heshiiska, waxaana dhamaan go’aamadii dib loogu celiyey Baarlamaanka markii hore laga talaabsadey, kadib markii shirka ay ka soo bixi waayeen wixii madaxda qaarkeed doonayeen.

Waxaa maanta laga sugayaa Muqdisho Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si loo dardargeliyo heshiiskii doorashada meeshana looga saaro caqabadaha jira, isla amrkaana ay ga qayb-galaan shir ballaaran oo Khamiista ka dhacaaya Muqdisho.

Ilaa iyo hadda waxaa Muqdisho gaarey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas.

Maalinta berri ah ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay shir ku yeeshaan Muqdisho lana kulmaan dhamaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Waxaa wararku sheegayaan in si rasmi ah loo soo farogeliyey heshiiska baarlamaanka la horgeeyey isla markaana shirguddonka iyo guddiga loo ssaareyba lagu cadaadinayo in ay heshiiska sidiisa loo daayo.

Comments are closed