Hoggaamiyeyaasha Garissa oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Muujiyay Dib u Celinta Qaxootiga Dhadhaab

dhanaadh

Garissa-(NN)18/05/2016

Senetarka Garissa, Mudane Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in qaqootiga oo qasab lagu celiyo laga yaabo in in badan oo ka tirsan qaxootigaa ay arintaasi ku keento inay ku biiraan Daacish iyo Alshabaab.

Wuxuu arintaasi sheegay Isniintii mar meel lacag madraso loogu uruurinaayay u ka hadlay. Wuxuu gaashaanka u daruuray in qaxootigaa innaba qasab lagu raro.

Si kastaba ha ahaatee qaar ayaa taageeray mawqifka dawlada ee ah in xeryaha Dhadhaab lagu tababaro Alshabaab xubno ka tirsan oo taageersan in la xiro xeryaha halka qaarna ay diidan yihiin arinkaa oo ay ula muuqato in dhibaato weyn ay xiritaanka xeryuhu horseedi karto.

Mudane Yuusuf Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya weli aysan xasillooneyn ayadoo hadii qaxootiga la celiyo ay xarakada Alshabaab qaarkood ku biiri karaan intaa kadibna falal dambiyeed ay geysan karaan.

Xildhibaanka laga soo doorto Ijara oo ka tirsan degmada Garissa Mudane Axmed Ibraahim Cabbaas (oo asagu ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee ODM) ayaa si lama filaan ah asagu u taageeray ama kutaageeray dawlada mawqifkaas ah in xeryaha lagu tababaro xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in xeryaha Dhadhaab ay noqdeen meelo xarakada Al-Shabaab xubno ka tirsan lagu tababaro oo xag jir looga dhigo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan heynay dadkaan 25kii sano ee lasoo dhaafay. Waxaan si buuxda u taageeraa celinta qaxootiga. Xero qaxootinimo waa ay ka baxday oo waxay noqotay meel ay ku tababartaan xubnaha Al-Shabaab,” sidaa ayuu sheegay xildhibaankaa laga soo doorto deegaanka Ijara.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye ayaa inkastoo uu sheegay inaysan macquul gal ahayn in qaxootigaasi noloshooda oo dhan ay ku qaataan xeryo hadana dawlada looga baahan yahay inay naxariis muujiso marka qaxootigaas la celinaayo asagoo ku daray inaysan macquul ahayn in qaxootiga oo dhan dib loo celiyo muddo lix bilood ah gudaheed.

 

Comments are closed