Burco (NN) 18/05/ 2016
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa maanta kala qaybgalay xuska  sanad guuradda 25aad eek as oo wareegtay aasaaskii Somaliland.
Intaanay khudbadu bilaaban waxa dhoolatus ku soo hor maray madaxda hortooda Ciidanka kala duwan ee Somaliland, ardayda iyo is-kaashatooyinka oo ku labisan Calanka Saddexda midab leh ee Somaliland.
Sidoo kale, Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo ayaa isna sheegay in sanadkan kaga duwan yahay sanadihii kale iyadoo ay ka soo wareegtay Rubuc-qarni taasoo horumar balaadhan oo dhinacyo badan laga gaadhay.
Comments are closed