Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kala Qayb-galay Togdheer Xuska 18-ka May

burcoBurco (NN) 18/05/ 2016

Magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer, ayaa maanta si ballaadhan loogu xusay maalinta Madax-bannaanida Somaliland oo ku beegan sannad-guuradii 25-aad ee ka soo Wareegtay maalintii Somaliland ku Dhawaaqday inay Somalia ka Go’day 18/5/191.

1Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa maanta kala qaybgalay xuska  sanad guuradda 25aad eek as oo wareegtay aasaaskii Somaliland.

Munaasibadda waxa ka soo qaybgallay Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaacil ,Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda,Gudoomiye ku xigeenka  koowaad ee Xisbiga Wadani Axmed Mumin Seed,Xisbiyada Heer Gobo lee Gobolka Togdheer, shacab fara badan, lamaha Dawlada,Heer Gobol,Heer Degmo Iyo Mati Sharaf Kale.

2Intaanay khudbadu bilaaban waxa dhoolatus ku soo hor maray madaxda hortooda Ciidanka kala duwan ee Somaliland, ardayda iyo is-kaashatooyinka oo ku labisan Calanka Saddexda midab leh ee Somaliland.

Maayirka Magalada Burco Maxmed Muraad  oo hadalka furey ayaa sharaxay maalinta sida qiimaha ugu leedahay Somaliland, isla markaana magaalada Burco ay ahayd meeshii lagag dhowaaqay.

3Sidoo kale, Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo ayaa isna sheegay in sanadkan kaga duwan yahay sanadihii kale iyadoo ay ka soo wareegtay Rubuc-qarni taasoo horumar balaadhan oo dhinacyo badan laga gaadhay.

Mas’uuliyiintii ka hadlay Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryanta Cali Maraxaan, Wasir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Shugri Xaaji Bondare ,Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed,GodoOmiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer Aadan Xuseen  ,Iyo Masuliyin Tiro Badan  oo iska daba maray sida qimaha u leedahay maalintan.

Madaxwayane ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci oo munaasibadda soo Gaba-gabeeye, ayaa Shacabka reer Togdheer uga Mahad-naqay sida isku soo Abaabuleen ee ay u muujiyeen wadaniyadda.

Madaxweyne ku  xigeenku waxa uu xusay in magaaladda Burco ahayd meeshii 18/5/1991 kii lagaga dhowaaqay taasoo uu ku adkeeyay inay dalka iyo madax-banaanidooda si dhaw u ilaashadaan.

Comments are closed