Shir Loogu Diyaar Garoobayay Xuska 20ka Ginbood Oo ka Qabsoomay Degmada Erer

ererErer (ESTV) 19/05/2016

Shir loogu diyaar garoobayay laguna soo dhawaynayay xuska sanad guurada 25aad ee 20ka ginbood oo ay kasoo qayb galeen maamulka degmada erer qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha,dhalinyarta,iyo haweenka ayaa ka qabsoomay degmada Erer ee Gobolka Sitti.

Hadaba kusiisimaha Gudoomiyaha Degmada Erer ahna Maareeyaha Dakhliga Degmada Erer mudane Xasan ismaaciil maxamud oo ugu horayn ka hadlay kulankan ayaa sheegay in shirkan yahay u diyaar garowga iyo soo dhawaynta xuska munaasabada 20ka ginbood ee 25 tan jirsatay taasoo ah maalin qaali ku wada ah dhamaan dalka deegaanadiisa kala duwan maadama oo ay tahay maalinkii xididada loo siibay xukunkii kali taliska ahaa ee dhergiga lana sameeyay nidaamka dimuqraadiyadeed ee deegaan walba isku maamulayo afkiisa iyo diintiisa tasoo sabab unaqotay horumarka manta ka muuqda deegaanka.

Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay xuskan gundhig uga dhigneen kuna soo dhawaynaynayaan beerida 150 geed oo lagu beerayo dugsiga hoose ee degmada erer ee gobolka sitti.

Ugu danbayna waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay qaar ka mid ah bulshada degmada erer oo sheegay inay maalinkan tahay maalinkii la helay nolasha qiimaha badan een maanta haysano soona dhawaynayno xuska munaasabada 25aad ee 20ka ginbood una diyaar garoobayno maalinkan qiimaha badan.

23

Comments are closed