DAAWO Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalan iyo Issimo kale oo si diiran loogu soo dhaweeyey Qardho

SuldaanSiciid-BoqorBurhaanQardho (NN) 20/05/2016

 

Magaalada Qardho oo uu dhawaan ka furmi doono Shirkii uu Boqor Burhan Boqor Muse ku marti qaaday dhamaan Issimada Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta halkaasi gaaray qaar kamid ah wafuuda Isimada ka kala imaanaya gobalada dalka.

 

Suldaanka guud ee gobalka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho.

Wafdiga Suldaanka ayaa waxaa meel magaalada ka baxsan uga hortagay issimadii horey ugu sugnaa magaalada iyo Boqor Burhan.

Waxaa la filayaa in caawa iyo maalinta beri ah ay magaalada Qardho gaaraan Issimo kale oo dheeraad ah oo ka kala imaanayo goobo kala duwan.

Boqor Burhan Boqor Muse oo isagu ah isimka martiqaadka u fidiyey dhamaan isimada Beelaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayaa horey u sheegay shirkan uu yahay mid ka baxsan arrimaha Siyaasada, isla markaana uu fulinayo codsigii ay issimada Soomaaliyeed usoo jeediyeen xiligii la caleemo saarayey sanadkii 2014.

“…Dhamaan umada Soomaaliyeed waan kusoo dhaweenayaa isimadooda inay yimadaan si ay fursad ugu helaan inay is wareystaan isla markaana ka wada hadlaan xaalada ay ku sugan tahay Qawmiyada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto…Soomaalidu dhaqan wanaagsan bay lahayd waxayna u baahantahay Soomaali inay wadatashato si looga baxo dhibaatooyinka badan ee ummadeena heysata…” ayuu yiri Boqorka oo sheegay in beelaha Soomaaliyeed u baahan yihiin in wixii dhibaato ah oo dhexyaal lagu xaliyo walaaltinimo iyo Islaanimo, si loo helo bulsho awood ulleh inay wax wada qabsato.

 

Comments are closed