DAAWO Turkey: Baarlamaanka oo ansixiyey xasaanad ka qaadista Xildhibaanada

Baarlamaanka-TurkigaTurkiga (NN) 20/05/2016

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah ansixiyey Sharciga cusub ee lagu bedalayo qodobka Dastuurka ee xasaanada gaarka ah siinaya Xildhibaanada wadankaasi.

Baarlamaanka-Turkiga

Sharcigan ay soo diyaarisay xukuumada ayaa looga gol leeyahay in maxkamad lasoo taago Xildhibaanada lagu eedeeyo falal ka dhan ah Qaranka iyo dowlada.

Xildhibaanada wadanka Turkiga ayaa si weyn isugu khilaafsanaa ansixinta sharcigan iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay keentay in qaar kamid ah Xildhibaanada gacanta isula tagaan kahor intaan sharcigan loo soo gudbin kalfadhiga iyo Cod u qaadista.

Codbixinta koowaad ayaa dhacday Salaasadii lasoo dhaafay markaasi oo ay 348 xildhibaan cod ku ansixiyeen balse sida dastuurka dalkaasi qorayo sharcigan ayaa ahayd in loo gudbiyo Afti dadweyne ayey dowlada Turkiga markale maanta oo Jimce ah cod 2aad u qaaday sharcigan oo ay maanta u codeeyeen 373 oo kamid ahaa 550 xildhibaan ee Baarlamaanka. Tiradan oo ahayd aqlabiyad buuxda.

Sida sharciga wadankaasi qorayo hadii xildhibaano gaareysa 361 ansixiyaan aan loo baahneyn in sharciga loo gudbiyo afti dadweyne oo uu sidiisa ku dhaqan galayo.

Ansixinta sharcigan ayaa guul u ah Madaxweyne Tayyib Erdogan oo si weyn ugu ololeenayey inuu sharciga la tiigsado qaar kamid ah xildhibaanada dalkaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshihiisa uu kula dagaalamayo kooxaha kurdida iyo mucaaridka wadankaasi.

 

Comments are closed