Millateriga Dalka Nigeria oo Sheegay inay Gabdho fara badan kasoo Furteen Kooxda Boko Haram

bokoNigeria (NN) 20/05/2016

Milateriga Nigeria ayaa sheegay inay Boko Xaraam, ka sii daayeen ku dhawaad 100 Haween ah oo ay ku jiraan Gabdho xilli ay Gobolka Borno oo ku yaalla Waqooyiga Dalkaas ka wadeen Hawl-gal sifeyn ah.

Milateriga Nigeria ayaa sheegaya in 35 maleeshiyo oo ka tirsan Boko Xaraam lagu dilay howlgalka badbaadinta ee ay qaadeen milateriga waddankaasi.

Afhayeenka milateriga Nigeria korneel Sani Cismaan, ayaa sheegay in gabadhii labaad oo ka mid aheyd in ka badan 200 oo gabdhood oo ay Boko Xaraam ka afduubteen iskuul ku yaal magaalada Chibok lagu soo furtay howlgalka ka dhacay waqooyi bari Nigeria.

Gabadha ayuu afhayeenku sheegay in ay ka mid aheyd 97 haween iyo carruur ah oo ay Boko Xaraam afduub u haysatay oo la soo badbaadiyay Khamiistii kaddib isku dhacyo dhexmaray kooxda iyo milateriga Nigeria.

Dadka madax furashada loo haystay ayaa waxaa ka mid ah gabar ka mid aheyd in ka badan 200 ee gabdhihii iskuulayda ahaa ee 2014 laga afduubtay iskuulkii Chibok.

Waa gabadhii labaad ee ka mid ah gabdhihii Chibok ee la soo badbaadiyo.

Goor sii horraysayna Madaxweynaha Nigeria, Muxammadu Buhari, ayaa caasimadda Abuja kula kulmay gabadhii ugu horraysay ee ka midka aheyd gabdhihii Chebok.

Mr Buhari ayaa sheegay in badbaadinta gabdha da’da yar ay rajo galinayso baadigoobka gabdhaha dhiman.

Madaxweyne Buhari ayaa sheegay in gabadhaasi ay sii wadato waxbarashada ay ahmiyad gaar ah u leedahay dowladiisa.

Gabadha ayaa shirka la timid gabar yar oo afar bilood jir ah, taasi oo astaan u ah waxa ku dhacay labadii sano ee afduubka lagu haystay.

 

Comments are closed