Xubno ka socday Golaha Ammaanka ee QM oo Kulan la Qaatay Bulshada Rayidka

q1Muqdisho (ESTV) 20/05/2016

 

Wakiillo ka socday Golaha Ammaanka ee QM oo shalay soo gaaray gaaray Muqdisho, ayaa waxay kulan la qaateen bulshada rayidka gaar ahaan Haweenka Ururrada ka shaqeeya Arrimaha Haweenka iyo Wasiiradda Haweenka Somalia.

Xubnahan shirka ay la yeesheen bulshada rayidka, ayaa waxaa gudoominayay Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia, Micheal keating kaasoo Hannaanka shirka waday.

Haweenka Bulshada rayidka ayaa xog ka siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe xaaladda dalka iyo kaalinta haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda wadanka iyo qaabka ay ugu darban yihiin in 30% laga siiyo dowladda dhismi doonta.

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dumarka ay dhibaato badan soo mareen balse maanta ay xooga saarayaan in saami muuqda laga siiyo siyaasadda dalka.

q2Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Haween kala Matalayay ururada Bulshada Rayidka ee ka shaqeeyo arrimaha sida Deeqo Yaasiin oo wakiil ka aheyd Hey’adda Horumarinta Haweenka ee IIDA, Caasho Cabdulle Siyaad oo mataleysay Ururka SWLI, Fartuun C/salaan Xaaji Axmed oo ah Gudoomiyaha Hey’adda Elman ,Asli Ducaale oo ka socotay Bulshada Rayidka ,Zahra Axmed Maxamed oo mataleysay Ururka SWDS , Caasho Shaacuur Ugaas iyo gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe .

Guud ahaan haweenkaasi ayaa ka hadlay doorka siyaasadda ee haweenka waxa ayna sheegeen in ay halgan ugu jiraan sidii ay 30 % uga heli lahaayeen siyaasada dalka iyo guud ahaan laamaha dowlada.

q3Dhanka kale xubnihii ka socday Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa la dhacay habka dhiiranaanta iyo awooda ku jirto ay u muujinayaan haweenka Soomaaliyeed raadinta saamiga siyaasadda iyo door ku lahaanshaha masiirka dalka Soomaaliya, wax ayna balan qaadeen in ay gudbin doonaan waxyaabaha ay ka uruuriyeen iyagoo xusay inay wanaagsan tahay sii wadista dadaalka lagu doonayo ka qeyb qaadashadda siyaasadda.

 

Comments are closed