Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Sanad Guurada Guusha 25 Jjirsatay ee 20ka Ginbood.

FB_IMG_1463819313416JIGJIGA ( ESTV) 21/05/2016

Waxaa saaka ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan dood-cilmiyeed ku saabsan  guulaha horumarineed, nabadgalya iyo  maamulka suuban ee ay soo haysay guulsha 25 jirsatay ee 20ka ginbood iyo jihooyinka horumarineed ee loo sii joogtaynayo guusha 20ka ginbood.

FB_IMG_1463819316801Waxaana ka soo qaybgalay dood-cilmiyeedaasi masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI, dhamaanba shaqaalaha dawlada ee xafiisyada heer deegaan iyo qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga.

Doodcilmiyeedkan waxaa hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar wuxuuna ugu horayntii ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee 20ka ginbood. sidoo kale waxa uu ka warbixiyay madaxwayne ku xigeenku dhibaatooyinkii cabudhiskii  iyo cadaadiskii  maamuladii boqortooyadii iyo tii milatariga ee dhergigu ku hayn jireen qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya intii ka horaysya guusha 20ka ginbood.

FB_IMG_1463819320367Dood cilmiyeedan ayaa siwayn ay masuuliyiinta iyo  shaqaalaha dawlad heerarkooda kala duwan  uga dooden marxaladihii  uu soo maray deegaanka gaar ahaan guulaha ay soo haysay 20ka ginbood ee dhinacyada nabadglayada, horumarka iyo maamulka wanaaga  waxayna hoosta ka xariiqeen masuuliyiintan iyo shaqaalaha dawladu in la sii joogteeyo lana sii xoojiyo xusitaanka iyo waynaynta guula 20ka ginbood laguna xoojiyo horumar waara.

Comments are closed