Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Ammaanka ee QM oo Kashiray Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab

2016521635993917358489559uhurKenya (NN) 21/05/2016

Madaxweynaha Kenya,  Uhuru Kenyatta iyo xubno ka tirsan golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa shalay ka shiray arinta lasoo hadal qaaday dhawaan ee ah in albaabada laisugu dhufto xeryha Dhadhaab.

 

Wuxuu Madaxweyne Uhuro sheegay in Kenya ay mar hore  gaadhay go’aankaa ayna keeneen dano qaran Kenyana aysan go’aankaa baddalayn.

Asaga iyo diblumaasiyiintaa ka socday QM ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya iyana. Waxay isla soo qaadeen hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayadoo Kenya ay ka mid tahay dalalka AMISOM ciidamada ku leh.

Dalalka ciidamada kuleh AMISOM waa Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti, Itoobiya iyo Sierra Leone.

Habeenkii Khamiistii ee Jimcuhu soo galaayay ayaa afhayeen dawlada Kenya u hadlay uu sheegay in Madaxweyne Uhuro  lagu waday inuu siiyo faahfaahin arinka kusaabsan wafdiga QM oo markaa la filaayay balse markaa aan wali imaan Kenya.

Afhayeenkaa u hadlay dawlada Kenya oo lagu magacaabo Manoah Esipisu ayaa intaasi ku daray in dawlada Kenya ay dhistay guddi ka kooban 14 xubnood oo ka shaqeyn doona celinta qaxootiga xeryahaasi Dhadhaab kunool oo u badan Soomaali kasoo qaxday dhibaatada Soomaaliya ka taagnayd rubuc qarniga.

Ka hor intii uusan wafdigaasi QM tagin Kenya wuxuu booqday dalka Soomaaliya.

 

Comments are closed