Sawirada Qeyb kamid ah haraadigii Diyaaradii EgyptAir ee bada laga soo saaray

Screenshot_20160521-185717Masar (NN) 21/05/2016

Weli waxaa socda dadaalka loogu jiro in bada laga soo saaro burburka diyaarada iyo meydkii rakaabkii EgytpAir oo ka socota bada wadanka Masar iyadoo aan weli la helin computerkii diyaarada ee xogta kaydin jiray.

EgyptAir-Haraadi-2

Illaa iyo hada waxa kaliya ee laga soo saaray bada ayaa ah qeyb kamid ah alaabtii diyaarada saarnaa oo ay ku jiraan dhar iyo haraadi kale, waxaana weli socda baadigoobka meydadka rakaabkii.

Xog dheeraad ah oo laga helay kaydka Satteliteka ee diyaarada ayaa muujineysa in daqiiqado kahor intii aysan diyaarada dhicin computerka diyaarada sheegay in qeybo kamid ah diyaaradaasi uu dab qabsaday iyadoo aan weli la xaqiijin karin in shilkan uu ahaa fal argagaxiso ama arrimo farsmo

Comments are closed