BURCO: Khilaaf ka Taaagan Golaha Deegaanka iyo Xildhibaanno Doortay Guddoomiye Cusub

burcoBurco (NN) 222/05/2016

Khilaaf weyn ayaa hadheeyey golaha deegaanka ee Burco, ka dib markii xildhibaanadda qaarkood sheegeen inay doorteen maayar cusub iyo maayar ku xigeen cusub.

Maayarka magaaladda Burco Maxamed Muraad ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin maayarka cusub ee la doortay, isla markaana ku tilmaamay xildhibaanadda burburinaya sharciyada wadanka u taalla.

Kow iyo toban xildhibaan oo  ka tirsan 21 xildhibaan ee golaha deegaanka degmada Burco oo shir ku yeeshay hoteel Ramad ayaa sheegay inay maayarnimo u doorteen xildhiban Cabdirisaaq Shiine Faliidh, halka ay maayir ku xigeena u dorteen Muxumed Xasan Xoday oo hore  u ahaan jiray maayir ku xigeen.

Haseyeeshee, toban xildhibaan oo uu hor kacayo maayarka magaaladda Burco  Maxamed Yusuf Cabdiraxmaan Muraad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadda ka soo horjeedda maayar Muraad ay yihiin mid sharciga baalmaraya,isla markaana aanay jirin maayar xilka laga qaaday.

“Waxaan isleeyahay arinkaasi waxa uu mutaystay in lagu qoslo uun, waxaana ay iiila muuqaataa in odayaashu wixii ay wadeen, hawshii iyo kaambaynkii markii uu u suuroobi waayay inay tahay xamaarasho uun, markaa waxaan isleeyahay xildhibaanadu way ku cadho burburayaan oo iyaguba way garanayaan inaanay talaabadani sax ahayn laakiin raga waaa wayni inay ilaa xadkaa salalaan maaha, mana jiro wax xil ka qadis ah oo laygu sameeyey xil ka qadistuna wax sidaas ah maaha odayaasha waan u ogol nahay inay ku cadho burburaan”ayuu yidhi Maayarka muraad.

Maayarka Burco Muraad ayaa sheegay in khilaafkani ka dhashay dhul dan guud ahaa oo laga dhisayo suuq casri ah, kaasi oo ay ka soo horjeedaan “ khilaafkani waxaan u malaynyaa inuu ka dhasahy suuqa la yidhaa laynka booliska iyo dusgigii Siyaad agagaarkaas ayaan dawalada iyo madaxwaynaha waydiisanay inaan ka dhisno suuq ganacsi markaas waxaa u malaynayaa khilaafka ugu badan inuu halkaas iyo qaabkii loo maarayn lahaa ka dhashay uun”

Hase yeeshee,  Cabdirisaaq Shiine Faliidh ayaa isagu ku dooday inuu maayarkii sharciga ahaa yahay, isla markaana Maxamed Muraad ay maayarnimadii ka qaadeen.

Labadda dhinac ayaan midkoobna iman xafiiskii dawladda hoose ee Burco, iyadoo ciidamo la hor dhigay si aanay dhibaato uga dhicin.

Si kasta ha ahaatee, xildhibaanadda golaha deegaanka Somaliland ayaa hab-maamulkooda tilmaamaya in marka maayar xilka laga qaadayo ay ogolaato wasaarada arrimaha gudaha, isla markaana sarkaal ka socda arrimaha guduhu goobta joogaa, haseyeeshee, ilaa hadda xildhibaanadda mucaaradka ku ah maayar Muraad wasaaradda Arrimaha guduhu wali umay ogolaaan inay kalfadhi ay xilka kaga qaadyaan maayarkaasi yeeshaan, ilaa inta loo fasaxayana waxa xilka maayarnimo haynaya maayarkii markii horaba xilka hayey waa sida uu qorayo xeer hoosaadkoodda iyo xeerka dawladaha hoose ee Somaliland.

 

Comments are closed