Deeqdii Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia Oo Caasimada jigjiga Soo Gaadhay

Screenshot_20160521-184606Jigjiga  ( ESTV) 21/05/2016

 

Qurba joogta DDSI ee wadanka Austeralia ayaa kunteendhar deeq ah oo ay ugu talagaleen hooyga agoonta ee magaalada fiiq soo gaadhsiiyay xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga. Deeqdan oo ka kooban Sariiro, Furaashyo, Dhar, Bugaag, Qalimaan, Cumputaro, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan islamarkaana kasoo degtay dakada Berbera iyadoo si wadajir ah masuuliyiin kasocotay wakaalada Xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI iyo wakaalada ururka horumarinta soomaalida itoopiya kasoo qaadeen dakada berbera wakhti xaadirkana ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoo lafilayo in xukuumadu goordhaw kala wareegi doonto.

Comments are closed