Shacab Reer Somaliland ah oo qoraal ay Wadajir u Saxiixeen u Gudbiyay Golaha Wakiilada

somalilandHargeysa (NN) 22/05/2016

 

Dadweynaha Somaliland, ayaa markii ugu horeysay golaha Wakiiladda u gudbiyey xeer sharci oo shan kun oo qof saxeexeen oo ay ku dalbanayaan in la soo saaro saddex xeer oo xakamayn u ah qabyaaladda iyo dhibaatadeedda.

Guddoomiyaha ololaha qaranimo Prof:Maxamuud Jaamac Xamdi oo isku xil saaran olole ka dhan ah qabyaaladda  ayaa sheegay in olole shacbi oo ay wax  kaga qabanayaan qabyaaladda sii faafaysa ee wadanka oo ay saxeexeen shan kun, boqol iyo laba iyo afartan qof  ay maanta u gudbiyeen golaha Wakiiladda si uu xeer sharci looga soo saara.

Ololahan qaranimo oo socday muddo ka badan shan bilood ayaa maanta lagu soo afmeeray ka dib markii ay saxeexeen in ka badan shan kun oo qof oo u badan dhalinyaradda Jaamacadaha, dugsiyada sare iyo aqoonyahanadda wadanka, kuwaasi oo khaatiyaan ka taagan heerka qabyaaladeed ee umadeenna.

Muwaadinka hawshan isku xil saaray oo magaciisa la yidhaa Prof:Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi), ayaa sheegay in ololahan uu ugu magaca daray ololaha qaranimo ay yihiin saddex sharci oo ka dhan ah dhibaatadda qabyaaladda ee xadhkaha goostay ee dalkeena yo jiritaankiisaba halis ku ah, isagoo arrimaha sharaxaya waxa uu yidhi “Ololaha Qaranimo waa olole shacbi oo hadafkeedu yahay inay soo jeediso saddex sharci oo ka dhan ah dhibaatada qabyaalada ee xadhkaha goosatay ee dalkeena iyo jiritaankiisaba halis ku ah. Ololahani waxay waafaqsan tahay qodobka 74aad faqradiisa 3aad ee dastuurka Qaranka JSL kaasoo dhigaaya in muwaadiniin tiradoodu tahay shan kun oo muwaadin ay soo odorosi karaan sharci.”

Waxaanu intaas ku daray “Ololahani waxay bilaabmatay 12/September/2015, iyadoo wacyigalinta inteeda badan lala beegsaday dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka, maadaama loo arko meelaha ay joogaan da’yarta aqoonta leh ee isla markaana aan wali ku milmin cudurka qabyaalada iyo kala qoqobka ee dadka waawayn aafeeyay, iyadoo isla markaasna aan laga tagayn dadka waawayn oo iyagana la isku dayay in laga dhaadhiciyo ahdaafta xeerarkan oo ay saxeexooda ku daraan. Ololahani waa mid mutadawacnimo ah oo is-xilqaan ah, iyadoo muwaadiniinta cidii awood u leh inay taageerto uu albaabku u furnaa si ay inta awoodooda ah uga taageeraan ololahan dhinaca daabacaada waraaqaha, boodhadhka, warbaahinta, iwm. Ololahani inta ay socotay waxa la daabacay in ka badan toban kun oo warqadood oo ah waraaqaha wacyigalinta, oo ay ku taalo tafaasiisha ololahani iyo ujeedadeeda, waraaqahaasina dadwaynaha kala duwan ayaa loo qaybinaayay, qofka markaasina ku qanca ahdaafta ololahan, wuxuu saxeexiisa ku muujinaayay warqada kale ee loogu talo-galay saxeex ururinta.

Sidoo kale ololahani waxay si baaxad weyn u adeegsatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta sida: telefishinada, iyo warbaahinta casriga ah ee wakhtigan ugu muhiimsan oo ah baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebook, kuwaasoo laga fuliyay wacyigalin qoto-dheer, taasoo farriinta ololahan iyo nuxurka ay xambaarsan tahay la gaadhsiiyay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.”

Saddexda xeer ee ololahani oo uu qoray Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ah hormuudka kuulliyada sharciga iyo culuumta bulshada ee jaamacada Gollis, kaasoo ah khabiir ku xeel dheer shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, isagoo xeerarkan qoray ka dib markii uu wada-tashiyo qoto-dheer uu la yeeshay aqoon-yahanada dhinaca sharciga iyo siyaasada, isla markaana uu aragtiyo badan ka dhagaystay qaybaha kala duwan ee bulshada, sidaa awgeed waxa lagu tilmaami karaa xeerarkan inay yihiin kuwo ay soo jeediyeen bulshada Somaliland oo dhan.

“Intii ay ololahani socotay waxaanu dadwaynaha siinaynay wacyigalin qoto-dheer oo ku saabsan muhiimada qaranimada iyo dhibaatada qabyaalada, annagoo sharaxaad ballaadhan ka siinaynay muwaadiniinta nidaamka dawladnimo iyo qaabka ay u shaqeeyaan, iyo doorka iyaga (muwaadiniinta) looga baahan yahay sidii ay qarankooda u toosin lahaayeen oo ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarkiisa. Ilaahay ayaa mahad leh, dadwaynaha JSL si wacan oo wanaagsan ayey u soo dhaweeyeen ololahan iyo ahdaafteeda, waxaanay ololahani u badnayd gobalka ugu weyn dalka ee maroodi-jeex, taasoo saxeexyada inteeda badan ay ka yimaadeen, laakiin ololuhu kumuu koobnayn caasimda dalka, inkastoo caasimadu tahay meesha ay isugu yimaadeen dhamaan muwaadiniita JSL, laakiin ololahani waxay saxeexyo ka soo ururisay Gobalka Saaxil iyo Gobalka Gabiley.”ayuu yidhi Prof Maxamud Xamdi oo isaguu hormood u ah ololahan qaranimo.

Prof. Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi ayaa sheegay in uu maanta uu u gudbiyey golaha wakiiladda, isla markaana xoghayaha golaha Wakiiladda iyo taliyaha golaha ee sharciga ka gudoomay xeerkan uu shacabku wato, isagoo sheegay inuu rajaynayo in xeerkan sharci uu wax ka bedeli doonno heerka qabyaaladeed ee umadeenu marayso.

Dastuurka Somaliland ayaa sheegay in haddii la doonayo in xeer cusub la hindiso saddex weji ka iman karo, mid xukuumaddu keeni karto, mid goluhu abuuri karo iyo mid shan kun oo qof oo muwaadin hadii ay saxeexaan abuuri karaan xeer sharci oo golaha la hor keeni karo.

Waa markii ugu horeysay ee shacabku soo gudbiyaan xeer sharci, iyadoo inta badan xeerarku ka yimaadaan xaga xukuumadda, iyadoo hore u dhicin inuu goluhu ama shacabkua xeer sharci hindisaan, mid xukuuumadu u keento mooyee.

 

Comments are closed