45-Qof dhimasho Magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen Weeraro lagu dilay ka dhacay Maanta

cadanCadan (NN) 23/05/2016

Ugu yaraan 45-qof ayaa ku dhintay Weerarro Is-miidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Koonfurta dalka Yemen ku taalla ee Cadan, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga Xukuumadda Yemen.

Weerarradan oo ay Mas’uuliyadooda sheegatay Koox Islaami ah ee ku sugan Yemen, ayaa waxay sheegeen saraakiishu in lagu bartilmaameedsaday saldhig lagu qorayay dhallinyaro doonayay inay ku biiraan ciidamada xukuumadda dalkaas.

cadan1“Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay dibadda xero lagu qorayay dhallinyaro doonayay inay ku biiraan ciidamada Xukuumadda, Halkaas oo ay ku dhinteen 20-qof. Weerar kale oo isagana ismiidaamin ahaa oo uu fuliyay qof naftii-hure ah ayaa dhacay Qaddar yar kaddib, markaas oo dhallinyaradu ay dibadda u soo yaaceen, waxaana ku geeriyooday 25-qof oo kale,” ayay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.

Kooxda Islaamiga ah ee sheegatay Weerarradan, ayaa qoraal ay soo dhigeen mid ka mid ah Barahooda xiriirka bulshada, Waxay ku xuseen inay labada weerarba ka ahaayeen mas’uul, iyagoo xusay inay ku dileen 30-ruux oo ka mid ahaa askartii la qorayay.

“Weerarka waxaa fuliyay ruux kasoo jeeda magaalada Cadan oo lagu magacaabo, Abu Ali al-Adani. Wuxuuna ahaa ruuxii isku miidaamiyay xerada ciidamada Yemen lagu qorayay,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Islaamiga ah ay soo dhigeen baraha xiriirta bulshada.

Sidoo kale, Illaa hadda lama xaqiijin waxa qaraxa koowaad loo adeegsaday, balse Saraakiil ka tirsan xukuumadda Yemen ay sheegeen in loo adeegsaday gaari, balse kooxda Islaamiga ah ayaa sheegtay inaysan jirin gaari miineysan oo Qaraxaan ay u adeegsadeen.

Yemen, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya Ciidanka xukuumadda Yemen oo ay taageerayaan ciidammo calaami ah oo ka socda dalalka Carabta iyo xoogagga Shiicada ah oo gacanta ku haya xarunta dalkaas ee Sanca.

Dhanka kale, Waxaa Yemen Dhaq-dhaqaaqyo iyo dagaallo ka wada kooxo kala Taabacsan Ururka Al-Qaacida iyo Kooxaha isugu yeera dowladda Islaamiga ah ee ISIS oo dagaal kula jira xukuumadda iyo xoogagga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

cadan2Weerarrada Ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen oo ay ku taallo Dekedda ugu weyn dalkaas, ayaa waxay Muujinayaan in aan la isku halleyn karin ammaanka magaaladaas, kaddib Toddoba bilood oo ay ciidanka xukuumadda dalkaas iyo ciidamada caawinaya ka saareen xoogagga Xuuthiyiinta.

Magaalada Cadan, ayaa Dhawrkii Bilood ee la soo Dhaafay, Waxaa si Is-daba-joog ah uga dhacayay qaraxyo intooda lala beegsanayay xarumaha ciidamada ammaanka dalka Yemen, iyadoo Cadan ay haatan ku shaqeyso xukuumadda itaalka yar ee Yemen.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Dowladda Yemen, ayaa Sheegay in Qarax kale oo Maanta ka dhacay magaalada Ticis, ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux, kaas oo lala eegtay dhisme ku yaalla xaafadda Bini Omar.

 

Comments are closed