Daawo Turkey: Raysalwasaaraha cusub oo la magacaabay

turkigaTurkiga (NN) 23/05/2016

Wasiirkii hore ee Gaadiidka ee dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa Axadii shalay loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee AK party, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha dhexe ee xisbiga Madaxweyne Tayyib Erdogan.

Ergada xisbiga AK party oo gaarayey 1,405 ayaa dhamaantood u codeeyey Binali Yildirim oo ahaa murashaxa kaliya ee u taagan inuu bedalo Raysalwasaaraha xilka ka degaya ee Ahmet Davutoglu.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa saacado kadib doorashada hogaamiyaha cusub ee AK Party u magacaabay Binali Yildirim xilka Raysalwasaaraha isla markaana ka codsaday inuu soo dhiso xukuumada cusub.

Binali Yildirim oo ah 60 sano jir ayaa kamid ah xubnaha sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Erdogan, wuxuuna kamid ahaa aasasayaasha xisbiga Erdogan wax ka dhisay ee AK Party.

Turkey-Raysalwasaaraha-Cusub-

 

Raysalwasaaraha xilka ka degaya Ahmet Davutoglu iyo Madaxweyne Erdogan ayaa bilihii lasoo dhaafay khilaaf ka dhex dhashay, xili Madaxweyne Erdogan uu doonayo in la bedalo dastuurka dalkaasi si xafiiska Madaxweynaha loogu wareejiyo awoodaha xukuumada oo hada hoostagta xafiiska Raysalwasaaraha.

Comments are closed