Jubbaland oo soo dhaweysay Go’aankii Madaxweynuhu ku Meel-mariyay Hannaanka Doorashada

Ahmed Madobe speaks after being re-elected, in the southern port town of Kismayu August 15, 2015. REUTERS/Abdiqani Hassan

Kismaayo (NN) 23/05/2016

Maamulka Jubbaland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu ku Meel-mariyay shalay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Hannaanka Doorashooyinka Dalka ee 2016-ka, taasoo Baarlamaanka FS uu ku guul-darreystay inuu meel-mariyo.

Bayaan kasoo baxay Jubbaland, ayaa lagu Taageeray Tallaabadii uu Madaxweyne Xasan qaatay, taasoo uu ku Dhaqan-geliyay Hannaanka Doorashooyinka ee Madaxda Madasha Wada-tashiga Qarani isku Af-garteen.

Ugu dambeyn, Jubbaland ayaa horay u diiday is-bedel lagu sameeyo Qodobbada Heshiiskii Hannaanka Doorashooyinka, waxayna si cad ah kaga soo horjeesatay in Gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

axmed

 

Comments are closed