MINNESOTA: Gabadh Soomaaliyeed oo la siiyay ruqsada macalinimo ee ilmaha Qaba Autism-ka

miMinnesota (NN) 23/05/2016

Deeqa Abdalla Hussein [Deqa-Ifrah], ayaa ku Guuleysatay Shahaadada Master of Arts in Autism Spectrum Disorder at University of Thomas. Taasoo ah Sharciga (license) Carruurta Qaba Autism-ka Wax lugu baro. Iyadoo noqonaysa Ruuxii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ku Nool Gobolka Minnesota oo Qaata  Dergree-gaan iyo License-ka.

Deeqa-Ifrah, ayaa horay u ahayd macallin dhiga cilmiga Sayniska, iyadoo go’aansatay inay u wareegto Autism-ka, kaddib markii wiilkeeda laga halay Cudurkaan Autism-ka. Haddana Waxay Macallin ka tahay Iskuulka Fair School oo ku yaalla Faras-magaalaha Minneapolis.

minXanuunka Autism-ka, ayaa aad ugu badan carruurta Soomaaliyeed Mareykanka ku dhasha. Cilmi-baaris ay sameysay Jaamcadda Minnesota ayay ku xustay in 32-kii cunug ee Somali ah uu midkood ku dhasho Xanuunka Autism-ka .

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboka Minnesota ayaa aad uga walwalsan Arrintan, iyagoo dhawr jeer ka codsaday Dowladda Gobolka in baaris rasmi ah ku sameyso sababata keentay carruurta ugu badan ee laga helo Cudurka Autism-ka ay noqdaan Soomaali.

Sidoo kale, Ma jirin Macallin Soomaali ah oo Ruqsad u haysta in ay Dugsiyada Gobolka ee haya caruurta Autism-ka qaba u noqda macallin. Minnesota ayaa waxaa ka diiwaan-gashan in ka badan 20 Macallin oo Soomaali ah haysta Ruqsadda macallinimo, intooda badan ayaa dhiga luuqadda English-ka iyo Maaddooyin kale.

Haddaba, Deeq-Ifrah oo la hadashay HOL, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay inay Ruqsaddan hesho, ayna diyaar u tahay inay Wax ka qabato Sidii loo Caawin lahaa Da’yarta Soomaaliyeed.

 

Deeqa-Ifrah, ayaa sidoo kale HOL u sheegtay in intii ay hawshan ku jirtay ay Jaamacada St Thomas ay Aqbashay in 14-macallin oo bartay cilmigan ah sida loo wax loo baro Carruurta Autism-ka uu hayo, kuwaas oo la siin doono Waxbarasho bilaasha ah, Waase haddii Ruuxa rabaa uu buuxiyo sharuudaha laga rabo oo ay ugu muhiimsan tahay in uu 4 sano Collage ah haysto ama uu horay u ahaa Macallin maado kale doonaynaya uu ku daro middaan.

Ugu dambeyn, Deeqa-Ifrah Cabdalla ayaa waxay ka mid tahay Waaliddiin Soomaali ah oo ku midoobay inay sameystaan urur ay leeyihiin Waaliddiinta Carruurta uu hayo xannuunka Autism-ka, kasoo ujeeddadiisu tahay sidii ay isku caawin lahaayeen, isla markaana ay isku weydaarsan lahaayeen waalidiintaas fikradaha iyo sidii loo caawin lahaa carruurta Autism-ka qaba.

http://www.stthomas.edu/education/programs/autismspectrumdisorders/osepgrant/

 

Comments are closed