Shirweynaha Caalamiga ah ee Arimaha Gargaarka oo Maanta Kafurmaya Istanbul, Turkiga

turkTurkiga (NN) 23/05/2016

Shirweynaha Caalamiga ah ee Arimaha Gargaarka ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Istanbul, Turkiga.

Shirkaas ayaa socon doona maanta oo dhan iyo beri waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu soo qaadi doonana waxaa kujira in si guud caalamku wax uga wada qabto caqabadaha hortaagan arimaha gargaarka.

Waxaa lagu wadaa in aad loogu lafa guro dib u xoojinta mabaadiida gargaarka, in la bilaabo qaaditaanka tillaabooyin u saamaxaya dalalka caalamka inay isu diyaariyaan kana soo kabtaan dhibaatooyin markii ay dhacaan si dagdag ah iyo sidii dhaqamada ugu wanaagsan ee amuuraha gargaarka loosii horumarin lahaa.

 Waxaa kaloo wafuudu ka wada hadli doonaan sidii looga dhigi lahaa dhibbaneyaasha caalamka ahmiyada tillaaba kasta oo loo qaadayo dhanka bixinta gargaarka si dabadeed dhibaatooyinka haysta loo dhimo.

Arimaha kale ee lagu soo qaadi doono waa hagaajinta hoggaanka caalamka iyo dhimida iyo ka hortagida colaadaha,sare u qaadida naxariista iyo baniaadminimada, inaan qofna dhib lagu fiirsan, in dadyowga caalamka noloshooda la horumariyo iyo in maal galin buuxda lagu sameeyo dadka caalamka si baahida jirta loo dhimo xaddigeeda.

Shirweynaha ayaa waxaa maanta gaar ahaan diirada lagu saarayaa waxbarashada iyo arimaha gargaarka ayadoo dalalka Muslimka ah iyo dawladahooda iyo weliba dadyowgooda lagu dhirrigalin doono inay dardar galiyaan bixinta zakada oo la garawsaday inay tahay deeq waajib ah oo gargaarka iyo horumarinta nolosha dadka wax ka tarta labo daraadle hadii si wanaagsan oo sax ah loo bixiyo.

 

Comments are closed